USA-(SONNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr; Maxamed Xasan Maxamed Bullaale ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay qaar kamid ah dhaqaatiirta iyo guud ahaan bahda caafimaadka ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Wasiirka ayaa u sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka go’an tahay isla markaana diyaar u tahay in ay la wadaagto ama ka tala geliso fikradaha wax dhiska ah dhammaan daneeyayaasha horumarinta caafimaadka Dalka si ay qayb uga noqdaan dedaallada kor loogu qaadayo adeegga caafimaadka dalka.