Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilladaย XFS Amb Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo masโuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ayaa warbixin ka siisay Duqa Magaalada Muqdisho halka uu maraayo dhaqan gelinta ollolaha dalka looga joojiyey Bacaha halka mar la isticmaalo, dhibaatada ay deegaanka ku hayso bacaha iyo xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha, iyadoo dhinaca kalena ay Wasiiraddu ka mahad celisay sida maamulka gobolka Banaadir kaalinta uu ka qaatay, sidoo kalena waxa ay dhankeeda xaqiijisay in ay ka go’an tahay dhaqan gelinta sharciga ilaalinta iyo Maareynta deegaanka .
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay dedaallada ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Soomaaliya ku joojisay Bacaha halka mar la isticmaalo, taasi oo dhibaato weyn ku heysa Caafimaadka, Deegaanka iyo Bilicda Caasimadda waxaana uu Guddoomiye Madaale uu ballan qaaday in Dowladda hoose ee Xamar ay si buuxda ula shaqeyneyso Wasaaradda Deegaanka XFS.