Mar kasta oo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaa caadi ah in ay geystaan khasaare isugu jira naf iyo maal, oo soo gaara dad shacab ah iyo mas’uuliyiin intaba, waxaana la aaminsan yahay in Qaraxyada Muqdisho ka dhaca ay badankoodu dhacaan waqtiyo kala duwan oo maalintii ah, sida subax hore duhurradii iyo galbihii, Maadama xilliga habeenkii ah uu yahay waqti ay dadku ka nasanayaan shaqooyinka, isla markaana ay iska joogaan guryahooda halka kuwa kalana ay ku caweeyaan goobaha hoteellada, Makhaayadaha iyo xaruumaha kale ee bulshadu ku kulmaan.
Marka quruxda magaaladu muuqato waa xilliga habeenkii oo ay camiran tahay, sidaas darteed ayaaney dad badan maleysan karin in ay dhacaan wax lid ku ah amniga. Dadweynaha Muqdisho waxaa ay inta badan arki jireen qaraxyo dhaca maaalin, taasi oo dareenkooda feejignaanta u leexisay in ay qaraxyada iyo weeraradu u maleeyaan in ay maalin oo kaliya dhici karaan inta badan. Marka la is barbardhigo qaraxyada dhacay habeen iyo maalin waa tiro aad u kala fog, waxaana aad u badan kuwa dhacay maalinta.
Weerarrada Shabaab ku qaadeen Hoteellada Muqdosho waxaa ay ku koobnaan jireen hoteelladaasi oo kaliya, haddase xaafadaha ayay galeen, iyadoo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay Degmada Xamar weyne dhabarka dambe ee Dhismaha Haweenka, ayna saacaddu aheyd abaarihii 1-dii duhurnimo, iyadoo Qaraxaasi loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo ay ka dhalatay dhibaato isugu jira Geeri iyo dhaawac.
Ciidanka ammaanka Dalka ayaa sanooyinkii ugu dambeeyay xoogga saaray xal u helidda ammaan darrida ka jirtay magaalada Muqdisho, waana lagu guuleystay in la xakameeyo waxyaabihii amni darrida ama falal la xariira Argagixisada ay ka fulin jireen, waxaana dhammaan Waddooyinka iyo dhismayaasha ganacvsiga iyo kuwa kaleba lagu xiray Kaamarooynka, taasi ayaa la leeyahay in ay kaalin weyn ka qeybqaateen in laga hortago ama laga ogaado qolyaha amni darrida ku howlan.
Dadaalka dowladda ee la dagaalanka Argagixisada ayaa si xowli ah u socda, iyagoo maalintii shalay aheyd la soo bandhigay Dad ku howlanaa arimo amni darro, waxayna Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban Shan xubnood, kuwaasi oo ku howlanaa falal amni darro ah in ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakaddaan ayaa ku guulaystay soo qabashada mid ka mid ah shabakadda, iyadoo Shabakadaan ay sidoo kale lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Khawaarijtu ay u qorsheeyeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka reer Muqdisho.
Haddaba si xal waara looga helo arrinta baabuurta qaraxyada lagu soo raro waa in ay hay’adaha amniga ay xal u helaan labada arrimood oo kala ah:-
- Qaraxii ugu dambayn ee ka dhacay degmada X/Weyne, waxaa loo adeegsaday gaari nuuca Feilder loo yaqaan, waxa uu ahaa gaari lagu dhacay gudaha Degmada Afgooye sanadkii hore, waxaana lahaa muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in la dilay.
Gaariga ayaa caadi ahaan ay xogta taargadu ay ahayd mid saxan, balse sida muuqata aan xogtiisa la baafin markii la dhacay ama aan laga taxadarin, islamarkaana aan la keydinta xogta taargada Gaarigan maadaama la dhacay.
- Waxaa jiri karta in baabuur badan oo la dhacay ay jiraan dhanka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, si ay ugu isticmaalaan Qaraxyada.
Hay’adaha amniga waa in ay helaan dhammaan xogta Gaadiidka la dhacay ee ka baxay gacanta muwaadiniinta, lana baafiyo, xogtoodana la dhigaa baraha ciidanka.
Dadka aad u taxliiliya ama ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegaya in Khawaarinta Al-Shabaab ay ku adag tahay xilligan in baabuur cusub ay soo iibsadaan ama la soo degaan sababo la xariira cuneqabteyna dhinacayada badan laga saaray, sidaasi darteedna ay bilaabeen in ay dhacaan baabuurta ka dibna ay ku fuliyaan Qaraxyada, sida Gaarigii Land Cruser Barada ahaa ee ka mid ahaa Gawaaridii loo adeegsaday Qaraxii Hotel SYL, kaasi oo la ogaaday inuu lahaa Odey Shiikh ahaa oo degganaa Shalambood, kaasi oo looga dhacay Degmada Golweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Haddaba maxaa la gudboon Muwaadiniinta? waa Digniin, Marka waxaa la gudboon Dadka Muwaadiniinta ah ee ay ka dhacaan Kooxda Khawaarihjta ah ee Al-shabaab Baabuurtooda inay soo wargaliyaan laamaha ammaanka, si loo diiwaangaliyo, islamaraakana aysan hadhoow wax dhbaato ah kaga imaan doonin iyaga.
By. C/lahi Ruush