Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya
GudahaWararka

Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: October 2, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarada laga sameeyay Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP/NTP), iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo qaab-dhismeedka deeqaha ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay kaalinta ay Midowga Yurub ku leedahay taageerada deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, maamul wanaagga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimada uu leeyahay iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay in qaab-dhismeedka deeqaha ee hadda jira uu yahay mid fure u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si loo hubiyo in deeqaha iyo taageerada Midowga Yurub si habsami leh loogu isticmaalo mashaariicda wax ku oolka ah ee wax ka beddeli kara nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Labada dhinac waxay isla garteen in la sameeyo habab cusub oo lagu kormeero laguna qiimeeyo saameynta deeqaha, si loo hubiyo in ay gaaraan yoolalka loogu talo galay.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u muujiyeen sida ay muhiimka u tahay in la sii wado iskaashiga istiraatiijiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo Soomaaliya gaarta, iyadoo la isku halleynayo taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariicda waxtarka leh ee deeqaha lagu maalgeliyo, si loo gaaro yoolalka qaran ee horumarinta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka xoogga dalka oo gaaray Degmada Baraawe.

Muqdisho(SONNA):-Wafdi Saraakiil ah uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 60aad ee CXDS Jenaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Gaarey Degmada Baraawe ee…

GudahaWararka
May 31, 2021

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha XFS oo la kulmay Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):-Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane…

CiyaarahaGudahaWararka
December 28, 2022

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SODMA oo Beydhabo gaatsiisay shixnad mucaawino ah

Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SODMA ayaa maanta oo Jimco ah markii Sadaxaad waxa ay diyaarad sidday shixnad mucaawino…

Gudaha
November 17, 2023

SoDMA oo gargaar gaarsiisay shacab dhawaan iyagoo barakac ah gaaray deegaanka Yurkud 

Muqdisho(SONNA):-Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA, oo kaa shaneysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shalay deeq…

GudahaWararka
October 28, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023