Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Cadaalladda iyo arrimaha Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Macallin oo hadal kooban ka jeediyay shirweynaha Bankiyadda Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho ka furmay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga qeyb qaato xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta si horumar dhaqaale loo gaaro.
Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in wada shaqeyntu ku xiran tahay in Khawaarijta la iska xoreeyo,maddaama argagixisadu meel walba ay gambaad ka dhigatay.
” Soomaaliya dhaqaalaheedu in uu kor u kaco waxaa saldhig u ah Bankiyada, qashinka iyo cadowga ku jirana laga saaro oo laga nadiifiyo, walwalka iyo cabsida laga qabo haddii caalamka ahaan lahayd iyo haddii gudaheenna ahaan lahayd, argagixisada waa ogtihiin meel walba gambaad ayay ka dhigatay, Masaajidda iyo Diinta ayay gambaad ka dhigatay, maaliyadda ayay gambaad ka dhigatay, marka dagaalkaas uu madaxweynuhu ku baaqay ee saddex geesoodka ah oo maaliyaddu, Caqiidadu iyo Militariga qeyb ka ahaayeen, marka in muwaadin kasta inuu ka qeyb qaato si cadowgaas dalka uga xoreysano si Soomaaliya horumar u gaarto wada shaqeynteenna u xiran tahy,”.
Soomaaliya ayaa sameysay dib u kabasho ballaaran burburkii kadib waana guul umadda usoo hoyatay, waxayna Bankiyada qeyb weyn ka qaateen horumarinta iyo kobaca dhaqaalaha dalka.