Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 28, 2024
7 Min Read
Share

Xiisada Geeska Afrika ayaa soo cusboonaatay dabayaaqadii bishii Agoosto markii labo diyaaradood oo kuwa Xamuulka ah oo Milateriga Masar ay ku soo degeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo wada Hub, Rasaas iyo ilaa (300) oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska, sida ay qortay Jariiddada African Defense Forum (ADF).

Askarta oo ku labisan qalabka dagaalka, ayaa si iskood ah u istaagay Waddada laamiga ah, iyadoo sarkaal ka tirsan dowladda Masar uu ku macneeyay in ciidamadan ay yihiin kuwii ugu horreeyay ee kumanaan Askari ah oo imaanaya, kuwaasi oo loo igmaday heshiis amni oo dhawaan la saxiixay, si loo qalabeeyo loona tababaro cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, isla markaana gacan ka geysta ilaalinta ย xarumaha dowladda iyo Masuuliyiinta.ย Ballanqaadka Masar ee ah inay kumannaan Askari u soo dirayso Soomaaliya ayaa ah calaamaddii ugu dambaysay ee xiisadaha Geeska Afrika ee sii kordheysa, balse dadka wax falanqeeya ayaa rajo ka qaba in dagaal baaxad leh lagu baajinayo imaashaha Ciidamadaasi.

Masar ayaa hadda la sheegay in 1,000 kamaandoos ah ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in bilaha soo socda la geeyo ilaa 10,000 Askari. Waxa ay 5,000 oo Askari ugu yaboohday dhammaadka sanadkan ciidamo cusub oo ka tirsan kuwa xasilinta Midowga Afrika, waxa ayna si gooni gooni ah u diri kartaa 4,000 oo kale oo Kumaandoos ah, taasi oo qeyb ka ah heshiiska dhanka difaaca ee ay la gashay Soomaaliya, waa sida ay qortay Waaxda Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka (ADF). โ€œMasar waxaad ku leedihiin saaxiibo iyo walaalo aad ku tiirsanaan kartaan,โ€ Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi ayaa u sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Saxafiyiinta hortooda ku sugnaa intii uu socday shir madaxeedkoodii Agoosto. “Masar ma ogolaan doonto cidna in ay khatar geliso Soomaaliya ama ay wax u dhinto ammaankeeda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Cabdulfataax Al-Siisi ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya, isaggoo ku dhowaaqay inay la dagaal galayaan haddii loo baahdo, xilli ay ka sii dareyso xiisadda Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taasi oo ka dhalatay Is af-garad ku sheegii uu Abiy Axmed la galay Muusi Biixi.

Al-Siisi ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim ah oo ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta, sidaasi darteedna aysan aqbaleyn in loo hanjabo, wuxuuna Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay “difaac wadareed” sida ku cad Axdiga Ururka.

โ€œAnagu ma hanjabeyno, laakiin ma ogolaan doono inuu qofna u hanjabo Soomaaliya. Masar waxay marwalba garab taagan tahay Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Al-Siisi, oo xaqiijiyay in diyaar u yihiin haddii Soomaaliya ka codsato taageerada difaaca Qaranimadeeda, waxaana hadalka Madaxweyne Al-Siisi ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay gobolka kadib markii Masar ay magaalada Xamar ka soo dejisay Hub iyo qalab Milateri oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladaha Mareykanka iyo Masar ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay damaca guracan ee dowladda Itoobiya.โ€œMareykanka iyo Masar waxa ay ka soo horjeedaan xadgudubka iyo damaca dhuleed ee Itoobiya,โ€ ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah shir jaraaโ€™id ay si wadajir ah magaalada Qaahira ay ugu qabteen Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty iyo xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony J. Blinken.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay Wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh, waxayna Wasiirrada ay magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Seddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan dowladaha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

Wasiir Fiqi kulanada uu ka wado magaaladda New York ee dalka Maraykanka ma ah kuwa kala joogsi leh waayo waxa uu Madaxda caalamka u sheegayaa Xabashida dhul boobkeeda iyo Damaceeda waalan ee aan salka laheyn. Wasiir Fiqi waxa uu la kulmay Wasiir Axmed oo ka socday dalka Kanada waxa uuna ka qeybgalayaa shirk QM ee New York,Wasiir Axmed ayaa ah nin asalkiisu yahay Soomaali.

Raโ€™iisul Wsaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Mareykanka Mudane Joe Biden, intii lagu guda jiray shirka guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo xiriirka istiraatijiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Raโ€™iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iyo shacabkeeda taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee amniga, dib-u-dhiska dowladnimada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah. Raโ€™iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweyne Biden ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida, midnimada, iyo gobonimada dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo qiray in ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

โ€ ficillada Itoobiya qaadayso waa kuwo qalqal gelinaya nabadgalyada, waxayna halis weyn ku yihiin Amniga iyo xasiloonida guud ahaan Geeska Afrikaโ€, sidaasi waxaa yiri:-Raโ€™iisul wasaare Xamse oo khudbad ka jeedinayay kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in Soomaaliya caddayneyso xaqa ay u leedahy Difaaca, midnimadeeda dhulkeed ee jamhuuriyadda Soomaaliya. โ€œSoomaaliya waxay cadaynaysaa xaqa ay u leedahay inay difaacdo midnimada dhulkeeda, Waxa ayna ugu baaqaysaa Itoobiya in ay joojiso daandaansiga ay waddo oo ay u hoggaansanto shuruucda Caalamkaโ€ ayuu yari Raโ€™iisul wasaare Xamsa

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo qaabbilay Safiirka Soomaaliya u joogo dowladda Britain

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska…

GudahaWararka
August 14, 2024

Cabdiraxiin Ciise Caddoow oo loo magacaabay wasiirka maaliyadda Hirshabeelle

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane , Cali…

GudahaWararka
April 5, 2023

Lataliyaha Madaxweynaha JFS ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah oo soo dhaweeysay Cunaqabteynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Muqdisho(SONNNA):-Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci-Darrada ah Marwo Mako Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay in Soomaaliya…

GudahaWararka
December 2, 2023

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmada Cabdicasiis oo ay ka socota qaadashada kaarka codbixinta

Muqdisho (SONNA): Wasiirada Wasaaradaha arrimaha gudaha xukuumadda FS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Wasiirka hawlaha guud XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur…

GudahaWararka
December 10, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023