Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo dhaggax-dhigay toddoba waddo oo interlock ah
    July 23, 2025
    ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ช๐š๐š๐ญ๐ž๐ฒ ๐”๐ซ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐
    July 23, 2025
    Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay afduubka lagula kacay markabka SEA WORLD
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay
GudahaWararka

Mudada qabashada araajida shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujeyda oo la kordhiyay

By Khadar Mahdi
Last updated: September 27, 2024
3 Min Read
Share

Muqdish, (SONNA): Guddiga Tartansiinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa kordhiyay mudada qabashada araajida tartanka shirkadaha diyaaradaha ee qaadi doona Xujayda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446/2025.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu furan yahay tartanka daabulka Xujeyda, waxaana shirkadaha diyaaradaha ee daneynaya ka qeybgalka tartankan lagu wargeliyay inay soo gudbiyaan araajidooda inta lagu guda jiro mudada cusub ee lagu kordhiyay.

Shuruudaha lagama maarmaanka ah ee shirkadaha ka qeybgalaya tartanka ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka, waxaana ka mid ah:

1- Shirkadda waa inay soo gudbisaa codsi qoraal Af Soomaali ah oo uu saxiixay maamulaha shirkadda.

2- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa sooyaal shaqo oo Af Soomaali ah, kuna cad yihiin cinwaannada iyo xafiisyada shirkadda.

3- Shirkaddu waa inay leedahay xafiis shaqeeya oo ku yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

4- Waa in shirkaddu leedahay khibrad shaqo ugu yaraan shan sano ah oo ku saabsan daabulka Xujeyda.

5- Shirkaddu waa inay ku jirtaa caymis aan dhacsaneyn oo ay soo gudbiso nuqul kamid ah heshiiska caymiska.

6- Shirkadda lama doonayo inay horey Maxkamad xukun ciqaabeed ugu ridday shantii sano ee ugu dambeysay.

7- Waa in shirkaddu haysato ruqsad duulimaad oo ka timid Hay’adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo shati ganacsi oo aan dhacsaneyn.

8- Shirkad walba waa inay tahay canshuur bixiye oo soo gudbisaa waraqadda canshuur bixinta Wasaaradda Maaliyadda.

9- Shirkaddu waa inay ku magac gooni ah tahay oo aanay la magac noqon shirkad kale oo tartanka ka qeyb galeysa.

10- Shirkaddu waa inay soo gudbisaa dhaq-dhaqaaq xisaabeedkeeda bangiga (Bank Statement) lixdii bilood ee ugu dambeysey.

11. In ay Shirkaddu haysato ugu yeraan 4 Diyaaradood, soona caddeysaa qaadkooda noocooda iyo guud ahaan badqabka Diyaaradaheeda (Documents).

12. In ay shirkaddu soo gudbiso ruqsadda duulimaadka tooska ah ee ay ka heysato Soomaaliya iyo Sacuudiga.

13. In ay shirkaddu u sameyso Xujeyda Soomaaliyeed duulimaadyo toos ah oo aan sii mareynin, soona mareynin dal kale.

14. In ay shirkaddu diyaar u tahay dhigista dammaanad lacageed oo dhan 25% gund ahaan tikidka xaajiga Soomaaliyeed, taasoo u soo noqaneysa Shirkadda marka ay gudato waajibaadkeeda shaqo.

15. In ay shirkaddu ka daabuli karto xujeyda Soomaaliyeed Garoomada diyaaradaha ee loo cayimay, kuna yaalla gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

16. In ay shirkaddu soo gudbiso qiimaha ugu yar ee kama dambeysta ah ee sicirka tikidka xaajiga Soomaaliyeed sanadka 1446/2025

17. Shirkaddii ku guuleysata adeegga daabulka Xujeyda Soomaaliyeed waxey heshiis shaqo la galeysan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS.

18. Shirkadaha daneynaya ka qeybgalka tartanka waxay araajidooda kusoo hagaajinayaan Xafiiska Waaxda Arrimaha Xajka iyo Cummada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta (hard copy), ayadoo lagu soo xirayo gal-xiran (bashkhad) sidoo kale waxay nuqul ka mid ah kusoo dirayaan Emailka. dg@mera.gov.so

19. Soo gudbinta Araajida waxay ka bilaabaneysaa Axad 23. 09. 2024, waxeyna ku egtahay maalin axada 29/09/2024.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef

Jowhar-(SONNA)-Wafdi uu hoggaaminayo ku-simaha Madaxa Unicef ahna Madaxa barnaamijyada Naser Sayid ayaa maanta soo gaaray…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Diyaarad Sidda Meydka madaxweynihi hore ee Puntland oo Garoowe ka dagtay

Muqdisho:(SONNA)-Meydka madaxweyne hore ee Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday labo maalin ย ka hor dalka Keniya ayaa maanta…

Wararka
July 15, 2020

Sidee dhallinyarada uga feejignaan kartaa saameynta si xun u isticmaalka baraha Bulshada?

Muqdisho.(SONNA):- Shaki kuma jiro in baraha bulshada ay noqdeen qayb weyn oo ka mid ah nolosha casriga ah, horumarka tiknoolajiyadda…

GudahaMaqaalladaWararka
May 29, 2024

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ururka G77

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka…

GudahaWararka
September 17, 2023

Wasaaradda isgaarsiinta oo ku wargalisay dadka dagan dhulkeeda Siinka-dheer inay ka guuraan

Muqdisho (SONNA): War rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda dowladda FS ayaa wargalin lagu siiyey dadka…

GudahaWararka
May 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023