Kismaayo-(SONNA)-Ciimada sugaya amaanka deegaanka Buulo Xaaji ee Gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal miino baaris ah ka fuliyey Tuulada Laagta caanoole oo Galbeedka kaga beegan deegaankaas.
Ciimada ayaa fashiliyey miinooyin ay waddada dhinaceeda ku aaseen Malleeshiyaadka khawaarijta si ay ugu waxyeelleeyaan bulshada iyo Gaadiidka isticmaalaya halkaas.
Saraakiisha howlgalkaan hoggaaminaysay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta miinooyinka ay la soo wadaageen shacabka deegaanka taasna ay keentay in ay fashiliyaan Miinooyinka.