Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqayย in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta, isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo waddo kasta ee lagula dagaalami karo.
Shaqsiyaad badan ayaa hore loo saaray xayiraad dhaqdhaqaaqa xisaaboodka iyo kuwo lacag Malaayiin doolar ah la saaray Madaxooda, taasi oo wax weyn ka tartay dhaqdhaqaaqooda dhinacyada Maaliyadeed iyo mid Shaqsiyadeedba intaba.
Dadka taxliiliya arrimah ammaanka ayaa qabay in โGolaha Amaanka oo loo gudbiyay warbixin la xiriirta Horjoogayaasha Saameynta ku leh howlgalada kooxda Argagixisada Shababka ay tahay talaabo barbar socota Nidaamka Istraateejiyada dagaalka lagu jiro kooxda Kjawaarijta ah ee Al-shabaab, iyadoo la sheegayo in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay qorshe Ciidaan ahaan awoodooda loo wiiqo iyo Fekir ahaan iyo waliba dhaqaale ahaanโ.
โSi la mid ah, shirkadaha keydiya xogta Mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan Akoonada ay ku qancaan inay yihiin kuwa Argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, sidaasi darteed Dowladdu shirkadahaasi ayay soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa, Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar Bangi, taasoo la sheegay inay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegyadaasiโ, ayuu yiri Ciise Xasan oo ah Falanqeeye arrimaha Amniga, kaasi oo degan Magaalada Helsinki ee Dalka Finland.
Beryahaan waxaa soo badanayay Dumar badan oo ka soo dhex muuqday Maxkamadaha Dalka, kuwaasi oo loo heysto eedeeymo la xariira la shaqeynta Kooxda Khawarijta ah ee Al-shabaab, taasi oo ay Kooxdu ogaatay inay si sahal ah ugu kala gooshim karaan ama ugu fulin karaan Magaalooyinka, islamarkaana si fudud wax ku kala gudbin kara, sidaasi awgeed ayay u adeegsadaan dhinacyo badan, sida:- keydinta hubka iyo kala gudbintiisa, soo ururinta xogaha, dejinta Guryaha, shirqoolidda IWM, si guud haddaan u dhahno, Haweenka ayaa kooxda Al-Shabaab u adeegsataa keydinta iyo gudbinta hubka iyo walxaha qarxa, iyo gabbaadsiinta Shabakadaha shirqoollada damacsan iyo soo Basaasidda Ragga markaa la doonayo in la dilo iyo kuwa nooc cusub la yimid oo loo adeegsaday inay kooxda Khawaarijta ah u sameeyaan Akoonno Bangi, si loo dhexmarsado lacagaha la kala gudbinayo.
Haddaba dhagaraha Kooxda waxaa u dambeeyay Kiis aad loola yaabay oo dhawaan Xukunno kala duwan ay Maxkamadda Gobolka Banaadir ku ridday Qoys ku Eedeysanaa maalgelinta khawaarijta.
Maxkamadda gobalka Banaadir ayaa xukuno kala duwan ku ridday Qoys ku eedeysanaa in ay maalgalinayeen kooxaha Khawaarijta, islamarkaana ay dhaqaalo ugu aruurinayeen Akoono ay u sameeyeen.
Xasan Cusmaan Aadan oo Ninkii khatarta galiyay Qoskiisa ayaa lagu xukumay 13 sanno oo xarig ah iyo 20 kun oo dollar.
Faadumo Xasan Cusmaan, Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasana Aweys Khaasim ayaa lagu xukumay min laba sanno oo xarig ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa ku dhawaaqay xukunka.
Adduunka Gaangistarada iyo Raga adag ee la qaban waayo, waxa lagu soo dabaa ama isku soo Dhiibaan ugu dambayn seey caruurtooda u badbaadiyaan, balse Ninkaan maaha Dilaal caqli badan “smart broker” waayo Talo seegtay waa haddii uusan fakerka gurracan ee Khawaarijta Aaminsanayn.
Kiiskaani ayaa ahaa mid kii ugu xumaa ee ka soo muuqda Maxkamadaha Dalka, waxayana Dadka aad wax u taxliiliya ay qabaaan in Nikaani ay u furneyd dhowr arrimood midkood:-
1, Ninka Ragga ah ee damiirkiisu nool yahay ee Geesiga ah, Caruurtiisa iyo Xaasaskiisa baxar ama dhib uma horseedo ama ma galiyo ee naftiisa ayuu u huraa in qoyskiisa badbaadaan.
2, 12 Million$ oo khawaarij ka soo gashay inuu la goosto ayay aheyd ileen waa burcad dhiig miirata ah, taasoo ah hanti ay shacabka Soomaaliyeed markii horeba ka soo dhaceen.
Qoyskaasi inkastoo dulmana u yihiin Ninkaan Aabahood lagu sheegay ee ka faaโideestay aqoon darradooda dhanka Bangiyada, haddana dambi ayay galeen maadama ay yihiin Dad waaweyn, maskixiyana fiyow aysan laamaha Amniga ku soo wargalin, marka qiil looma heli karo qoyskaasi loo adeegdsaday in la dhexmarsiisto Akoonaddii ay sameeyeen lacago fara badan lagu kala gudubsaday.
Mid ka mid ahaa dadkii dhageystay Dacwada markii ay ka socotay Maxkamadda gobolka Banaadir markii ay ka hadlaysay Gabadhii uu dhalay ayaa tiri:- โ Aabbe ayaa i yiriโ, sida ay u sameysay Akoonka, ayaa si la yaab leh ugu dhawaaqay โ Ar Saanna maxay aheyd?โ.
By. C/lahi Ruush