Beledweyne-(SONNA)-Culimaa’udiin kasocday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimah Diinta ee XFS ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne waxay u qabateen kulan ku saabsan ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka.
Sheekh Axmed Nuur Cabdulaahi oo ka mid ahaa Culimaa’udiinka halkaasi ka hadashay ayaa sheegay Khawaarijtu in ay yihiin dad aan xeerin walaalnimo ehelnimo iyo sokeeye toona, bulshaduna aysan u kala soocneyn.
Wuxuu sheegay in aysan Diintu ahayn mid dadka farta in guryo laqarxiyo, dad aan waxba galabsan oo maata ah la laayo, in dhiig Muslim ladaadiyo iyo in Ummad la argagaix geliyo toona, basle waa mid naseexa iyo naxariis, isagoo si weyn u dul istaagay dhibaatada ay leeyihiin ficilladaasi iyo waxa ka dhalan doona maalinta qiyaamaha.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS ayaa in dhowaalaba ka wadday gobollada dalka wacyi gelinno ku aaddan sidii bulshada looga waanin lahaa fikirta xagjirnimada gacan ka hadalka wat aiyo ficillada khawaarijta.