Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in ay dowladdu hiigsan doonto horumar ballaaran haddii ay haweenku la qaataan siyaasadda kalluumeysiga.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda bandhigga hal-abuurka fursadaha haweenka Soomaaliyeed ee kalluumeysiga ayaa intaa raaciyay in haweenku ay kaalin muhiim ah oo muuqata ku leeyihiin dhammaan dib u soo kabashada dalka.
Wasiirka ayaa bogaadiyay haweenka Soomaaliyeed ee Kalluumeysatada ah, wuxuna sheegay xiriirka ay la sameynayaan Iskaashatooyinka iyo Wershadaha in ay yihiin furitaanka fursadaha cusub ee suuqa iyo horumarinta doorka haweenka ee qaybta kalluumaysiga.
“Munaasabada maanta waxa ay awood siinaysaa haweenka Soomaaliyeed ee ku jira kalluumaysiga si ay ula xiriiraan khubarada Wershadaha kalluumeysiga iyo iskaashatooyinkaโ.
Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray u dabaaldegga kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee Kalluumeysiga, Taageer Haweenka Kalluumeysatada, la dagaallanka Caqabadaha iyo abuuridda fursado wax ku ool ah oo ay ka faaโiideystaan haweenka.