Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamee Nuur (Madoobe) ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada dhinac walba leh ee ay siiso Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda wuxuuna sheegay in Baarlamaanka 11-aad uu ahmiyad gaar ah siinayo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo shuruucda kale ee muhiimka ah.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha Baarlamaanka 11-aad uu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho shacabka Soomaaliyeed ay ku dooranayaan hogaankooda, si taasi loo hirgelinayana Baarlamaanka Soomaaliyeed uu kalfadhiyada u harsan ka shaqeyn doono dhamaan shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson ayaa ku amaantay Baarlamaanka shaqada wanaagsan ee uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayo gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee uu meel mariyay oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka oo hadda meel wanaagsan maraya, deyn cafinta, qaadista cuna qabataynta hubka, ku biirista Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, dhamaan howlahaas oo ay sheegtay safiirka in ay qeyb weyn ka qaadanayaan dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bogaadisay horumarada kala duwan oo ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale qorshaha dowladda ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.