Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulankooda 20-aad ee kalfadgiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ajendaha kulanka oo ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhibaanadda la wadaagay warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacsbka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay Ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulankaย soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan maanta lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha xildhibaanadda islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.