Paris-(SONNA)-Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magaalada Paris ee Caasimada Waddanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlaya Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Heyโadda UNESCO.
Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hayโadaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hayโadaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Wasiiru-dowlaha Axmed Cismaan Diiriye ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay masโuuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faaโiidaysan lahaa.
Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitaalka iyo Garaadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shuruucdii lagu hagi lahaa maadaama Teknolojiyada qaar ay dunida ku cusubyihiin.