Gaborone (SONNA): Shirka 15-aad ee golaha guud ee Warbaahinta Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Gaborone ee caaasimadda dalka Botswana. Shirka ayaa ajandahiisa yahay (Rajada Warbaahinta Afrika) iyo caqabadaha dhinacyada saamaynta tiknoolajiyada cusub iyo isbedelka cimilada.
Shirka waxaa furay Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Botswana Mr. Slumber Tsogwane, waxaana uu khudbad uu halkaasi ka jeediyay ku sheegay muhimadda ay leedahay iskaashiga iyo tayeynta warbaahinta Afrika.
Soomaaliya waxaa shirkan uga qeybgaley Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale. Khudbad uu shirka ka jeediyay Agaasimaha ayaa ka waramay horumarka ay ku talaabsatay warbaahinta qaranka ee Soomaaliya ee dhinacayada Telefishanka,Raadiya, Wargeyska Qaranka, Baraha Bulshada iyo weliba Wakaaladda Wararka ee SONNA.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Xayri ayaa xusay Telefishanka Qaranka ee SNTV laga daawado, lagana dhegaysto shanta qaaradood ee adduunk, halka Wakaaladda Wararka ee SONNA ay noqotey isha muhiimka ee caalamka uu ka soo xigto wararka Soomaaliya. Waxaa uu ugu dambeyn Agaasimaha uu ka qeybgalayaasha shirka la wadaagey in warbaahinta qaranka ay ku xiran yihiin malaayiin qof oo ku kala nool gudaha iyo dalka dibeddiisa.