Muqdisho (SONNA): Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda FS danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah kulan furan la qaatay dhammaan Shaqaalaha ka howlgalla xarunta Wasaaradda,kaasoo ujeeddadiisu ahayd soo bandhigista hiigsiga iyo qorshayaasha hortabinta u leh Shaqada oo ay ku jiraan dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha,iyadoo shaqaalaha wasaaradda ay soo bandhigeen aragtiyadooda iyo fikradaha ka qeybqaadanaya dardargelinta howlaha Shaqo.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in la guda-galay diyaarinta hannaan dib u habeyn ku sameynaya Wasaaradda oo ay ka shaqeynayaan labo guddi oo horey loo magacaabay, si loo gaaro dhaqangelinta siyaasadaha iyo shuruucda dibadda iyo gudaha oo ka qeybqaadanaya hiigsiga waxtarka u leh qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed, hannaankaa oo sidoo kale mudnaan siinaya Shaqaalaha Wasaaradda ee khibrada,waayo-aragnimada iyo wadaniyada u leh howlaha shaqo ee Wasaaradda.
Wasiirka, ayaa sidoo kale ka jawaabay celiyay tallooyinka iyo waydiimaha ka yimid shaqaalaha ,isagoo markaa sharraxaad ka bixiyay halka la hiigsanayo inay tahay waqtigan muhiimka u ah dalka in hoggaanka iyo howlwadeennada Wasaaradda ay soo bandhigaan howlqabadka isbeddelka la hiigsanayo lagu gaaro, wuxuuna markaa hoosta ka xariiqay in wixii hadda ka dambeeya darajooyinka iyo dalacsiinta shaqada oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta dibadda ka howlgalaya inay ku imaanayaan si daahfuran oo ku salaysan dadaalka wadajirka ah iyo midka shaqsiyadeed ee lagu soo bandhigo shaqada.