Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: 2 sano kadib maxaa u qabsoomay xukuumadda DanQaran
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > 2 sano kadib maxaa u qabsoomay xukuumadda DanQaran
GudahaWararka

2 sano kadib maxaa u qabsoomay xukuumadda DanQaran

By Bile
Last updated: August 24, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran taas Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir.

Tiirarka xukuumadda Dan-qaran

1. Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga

2. Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka

3. Tiirka Soomaali Heshiis ah

4. Tiirka isku filnaasho dhaqaale

5.ย  Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda

6.ย  Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah kalsooni buuxda u siiyay xukuumadda Dan-qaran ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xamse, waana kalsoonidii ugu badneed abid ee taariikhda gashay ee Baarlamaan uu siiyo xukuumad, 220 mudane ayaana ansixiyay.

Si loo gaaro himilooyinka Qaranka Soomaaliyeed mudaddii ay jirtay Xukuumadda Dan-qaran waxay xaqiijisay guulo waa weyn oo udub dhexaad u ah horumarka iyo nabadeynta dalka. Xukuumaddu waxaa ay la timidย  hannaan siyaasadeed iyo horumarineed oo si hufan ugu jawaabaya baahida iyo yoolka dowlad dhiska Soomaaliya.

Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:

1. Dagaalka khawaarijta oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen.

2. Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.

3. Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika

4. Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.

5. Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.

Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka.

Hadda caawa, hey’adda kala duwan ee xukuumadda Danqaran ayaa soo bandhigaya wax qabadkooda ee labadii sano ee na weydaartay. Waxaana socda munaasabadda oo ay ka qeybgalayaan madaxda wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

TAGGED:2 sano kadib maxaa u qabsoomay xukuumadda DanQaran
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka Galmudug oo Dhuusamareeb ku soo gabo gabeeyay shir muhiim ah โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa maanta si rasmi ah usoo xiray shirka dib u eegista…

Wararka
December 31, 2020

Taliyaha NISA oo ku sugan Beledweyne ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka

Beledweyne-(SONNA)-Taliyaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka…

GudahaWararka
May 11, 2024

Soomaaliya oo soo dhoweeysy warbixinta ay soo saareen IMF iyo Bankiga Adduunka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya , Cabdi raxmaan Ducaale Beyle ayaa si weyn usoo dhoweeyay warbixin ay soo saareen hay'adda Lacagta Aduunka…

Wararka
February 14, 2020

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo bogaadiyey ansixinta Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qarankaย 

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalku u jiheystay wadadii Dimuqraadiyadda, isagoo u…

GudahaWararka
November 27, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023