Kadib markii uu fashilmay shirkii wadahadallada Wejigoodii 2-aad ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiye ayuu Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Sheekh oo ka hadlay difaaca madax-bannaanida dalka ayaa sheegay in arrinta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee maanta taagan inuu ka dhashay xad-gudub ay sameysay Itoobiya, ayna ka garaabi-weyday. “Jamhuuriyaddii 1960-kii dhalatay ayay Itoobiya daba jooga oo ay leedahay cad ayaan ka goosanaya taasna horray ayaan u diidnay, waligeedna dhicimeyso oo Soomaaliya oo intaan ka taag yar ayaa diiday in biyaha, badda iyo dhulkeedu Itoobiya qaadato. Maanta baddaan xoog ku gaarayaa waa riyo aan rumoobeyn”.
“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFs Mudane Axmed Macallim Fiqi, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, haddii ay tahay maal ama dhiigba.
Hadalka Wasiirka ayaa daba jooga hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayuu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in hadalada xanafta ah ay sii adkeynayaan Xaaladda haatan jirta.
Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa ‘in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya’ ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2008-kii, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca Dad gaaraya 800 kun oo qof.
Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Xamse Xaadoow oo u jawaabay Itoobiyaanka damacu waalay ee Soomaaliya ku soo gardarooday, “Adan Faarax Ibrahim waxa fajaca iyo layaabka ku noqday maalmahan, waxaa weeye in uu maanta arkay SOOMAALI wax diidi karta, gaar ahaana ‘Maya’ dhihi karta damaca Abey Axmed. Malaha wuxuu is lahaa Soomaliya waxaa lagu hubsaday god dheer, baddooda iyo dhulkooda oo la qaadanayo ma ka hadli doonaan”. Guddoomiye ku xigeenka Xisbi Xaakimka Itoobiya (PP) Aaden Faarax Ibraahim waxa fajaca iyo la yaabka ku noqday maalmahan, waxa uu maanta arkay SOOMAALI wax diidi karta, gaar ahaana ‘Maya’ dhihi karta damaca Abey Axmed. “Malaha wuxuu is lahaa Soomaliya waxaa lagu hubsaday god dheer, baddooda iyo dhulkooda oo la qaadanayo ma ka hadli doonaan”, ayuu sii raaciyay Xoghaya.
“Waaqaca Dhabta ah ee uu Aadan arkana waa in Itoobiya loo hogaansamo oo dhulkii ay horay u heysatay baddana loogu daro. Waxaan maqli jiray “mudul gubtay mudul gubtay kama naxo” oo dhibta uu isagu ku jiro ayuu malaha la doonayaa in Soomali badan ay lasoo galaan ama hadii si kale loo dhigo maadaama uu isagu yahay Itoobiyaan wuxuu moodaa in Soomali oo dhan ay tahay Itoobiyaan, malaha wuxuu kala garan waayay xuduudaha iyo dalalka geeska”!
Itoobiya waxaa xuduud la leh waddama bad leh sida; Kenya, Soomaaliya, Jabuuti, Eratareeya iyo Suudaan. Haddii Itoobiya ay dekedo isticmaasha dooneyso waxa ay hadderba isticmaashaa Dekedaha Jabuuti iyo Keenya, waxaase cad iney dhul-boob iyo bad-boob tahay, una aragto dalka kaliya ee ay boobi kartaa inuu yahay Soomaaliya, iyada oo ka fiirineysa halka ay Soomaaliya maanta taagantahay oo ay u aragto in sanado ka dib ayyan suurtoobeynin in la boobo, waxaana uu u soo jeeday talo “Aadan iyo ragga la midka ah waxaa la gudboon inay ka fekeraan aayahooda iyo shucuubta itoobiya ee ay matalaan. Shucuubta itoobiya oo ay hormuudka ka yihiin duubabka dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka waxaa la haboon maanta iney ka shaqeeyaan nabadd waarta iyo in ay si furan uga hor-yimaadaan damca guracan ee aan miro dhaleyn ee Abey Axmad”.
Madaxda Itoobiya ee maanta waxaa la gudboon dadaalka ay ku bixinayaan inay bad iyo dhul SOOMAALI leedahay ku boobaan, waxaa wanaagsan inay u leexiyaan dib u heshiisiinta shucuubta Itoobiya, daryeelka shacabka Itoobiya ee iyaga oo qaxooti ah, raadinaya nolol jooga kuna dayyacan daafaha dalka Soomaaliya, qaarna ay har iyo habeen maraan badaha iyaga oo tahriib ah, in ay hagaajiyaan nabadgalyada Itoobiya dhaxdeeda ah iyo horumarinta shacabka wanaagsan ee itoobiyaanka ah ee mudan sida ay u noolyihiin si wanaagsan in ay u noolaadaan.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa uu Adan xusuusineynaa sida Soomaali qaxooti ah ay ugu nool yihiin Itoobiya si la mid ah oo weliba ka ixtiraam iyo qadarin badan ayaa shacab badan oo itoobiyaan ah ay ugu nool yihiin Soomaaliya, sidoo kalana ay marin u tahay laguna marti geliyaa goobkasta iyo guri kasta. “Nabadgalyada gobalka waxey dan u tahay dhammanteen, Soomaaliya waxey diyaar u tahay deris-wanaag, is ixtiraam, sinaan iyo nabad kuwada noolaasho, waxaase horay u dhicin, maantana dhaceynin, beritana dhici doonin in dhul iyo bad Soomaali leedahay la boobo. Damacaasna Waa RIYA maalmeed” ayuu ku xiray hadalkiisa.
Dhinaca kale Soomaaliya ayaa amartay shirikadda diyaaradaha ee Itoobiya Airline inay magaca ‘SOOMAALIYA’ raaciso dhammaan macluumaadka la xirira duulimaadyada ay magaalooyinka Soomaaliya ku tageyso, waxaana loo qabtay muddo koban inay arrinkan ku saxdo, waxaana la sii raaciyay haddii khaladkaasi ay sixi weydo, shirikada loo sheegay in duulimaadyada Soomaaliya laga hakin doono, sida hoos ka muuqata dhammaan duulimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika ayaa la raaciyaa magaca dalka ay tageyso, balse Soomaaliya, kaliya waxay shirikadu qortaa magaca magaalada ay diyaaradu tageyso.
By. C/lahi Ruush