Schiedam-(SONNA)-Munaasabad lagu abaal mariyay haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qaraadda Yurub ayaa lagu qabtay magaalada Schiedam ee Waddanka Holland, dadkaas oo muujiyay dedaal dheeri ah kana dhex muuqda bulshada.
Abaalmarintan oo ah middii ugu horasyay ee lagu qabto waddamada midowga Yurub ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xarunta Saxaafadda iyo wada hadalka ee Center For Media and Dailogue {CMD} waxaana gacan ka geystay shirkadadaha IBS Bank, Alhijra Travel iyo Hayat Market.
CMD waxay abaalmarin siisay 15 qof oo loo doortay in ay sameeyeen dedaal iyo hal abuur badan oo bulshada wax tar u leh.
Dadka la abaal mariyay ayaa waxaa ka mid ah , Cabdi Nageeye oo loo soo xulay in uu yahay orad yahan ku guulaysatay Rotterdam Maraton.
Cabdirizaq Cali Warsame oo aas aasay Banigiga Caalamiga ah ee IBS bank.
Cumar Muunye oo aas aasay Shirkad Samaysa Boorsooyinka Dumarka Munie Brand.
Kaadir Gamal oo sameeyay Shirkada kadirfod.
Kaaha Xale oo Samaysay Shirkada Halane care.
Cumar Maxamed oo hal abuuray shirkadda Barfuunada ee Yaasalaam.
Maxamed Bashiir oo uu Boqorka Holland u magacaabay Qunsul sharafeed jooga Soomaaliya, Amb: Ilyaas Cali Xasan oo aas aasay Arlaadi Media Network.
Abuukar Alwan ooย Sameeyey Alhijra Travel.
Magan Daahir oo ku guulaysaty Kubadda Miiska Hollnad.
Cali Waare oo noqday shaqsiga ugu mudan ee ka soo shaqeeyay Jaaliyadda Soomaalida FSAN.
Axmed Faarax oo noqday filim sameeye Caalami ah.
Safiya Rooble oo noqotay Xeer ilaaliye iyo looyar.
Shukri Xasan Saciid oo aas aastay Iftin.
Neyruus Macalim oo noqotay looyar heer caalmi ah.
Xafladda waxaa ka soo qeybgalay Raรญisul wasaarihii hore ee Dowladii Cabdi Qaasim mudane Maxamed Cabdi Yusuf, Xildhibaannada Golayaashada Deegaanka Netherland, ganacsato, Siyaasiyiin ,Dhalinyaro Haween, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada oo ka kala Socday wadamada Ingiriiska, Germany, Sweden, Belguim, Fransiiska iyo Norway.
Guddoomiyaha CMD Cabdullaahi Taajirow ayaa u mahad caliyiyay dadkii ka soo qeybgalay munasabada iyo xubnihii ay xaruntu u dooratay in ay abaalmarin siiso.
Taajitrow ayaa goobta ka sheegay in CMD ayย sanad kasta qaban doonto abaalmarintan lagana dhigi doono mid caalmi ah oo lagu tala galo.