Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Hay’adda maareeynta masiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qayb-galay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee Bani’aadannimada Adduunka oo la xuso sanad walba 19-ka Agoosto maanta oo kale, munaasabada ayaa lagu muujiyaa laguna sharfaa dadaalka iyo naf-hurnimada samafalayaasha.
Guddoomiya hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa xusay muhiimadda ay maalintaan u leedahay adduunka, dalka iyo Hay’adda SoDMA, isagoo tilmaamay sida ay muhiim u tahay xusuusta shaqaalaha samafalka ee ku waxyeelloobay caawinta dadka kale.
Xuskan ayaa waxaa ka soo qayb-galay hay’addaha kala duwan ee ka shaqeeya Arrimaha Bini’aadantinimada dalka, daladda NGO-da Soomaaliyeed (Somali NGO Consortium) ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, George Conway iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya.