Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo calan saaray madaxtooyada xuska 65-aad ee xornimada awgeed
    July 1, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay Xildhibaan Samakab oo ka tirsan golaha wakiillada Minnesota
    June 30, 2025
    Xuska 65-aad ee xornimada dalka oo lagu qabtay safaaradda Soomaaliya ee Tanzania
    June 30, 2025
    Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag
    June 30, 2025
    Wasiiru dowlaha Qorsheynta oo la kulmay  Ra’iisul wasaaraha Libiya
    June 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Hadal jeedinta wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Turkiga iyo Ethiopia shirkii Ankara ka dib
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hadal jeedinta wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Turkiga iyo Ethiopia shirkii Ankara ka dib
GudahaWararka

Hadal jeedinta wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya, Turkiga iyo Ethiopia shirkii Ankara ka dib

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 13, 2024
6 Min Read
Share

Ankara (SONNA): Kadib markii uu soo dhammaaday wajiga 2-aad ee wadaxaajoodka aan tooska ahayn ee ay Ankara ku yeesheen wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ayaa waxaa jir jaraa’id wada qabtay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia.

Hadal jeedinta Wasiir Fiqi

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga 2-aad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka dhacay Ankara. Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka. Wadahadalkan wareeggiisa 2-aad waxaa laga gaaray horumar. Soomaaliya waxaa si adag uga go’an ilaalinta madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo dhulkeeda.

Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan u mahadcelinaynaa mudane Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa dhexdhexaadinta wadahadaladan, waxaanan diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno si xal loogu helo xiisadaha gobolka.

Hadal jeedinta Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda Turkiga 

Maanta, waxaan soo gabagabeynay wareegga 2-aad ee wadahadalada aan ka bilownay Ankara 1-da Luulyo. Inta wada-xaajoodku socday, waxaan sahminnay habab macquul ah oo aasaas u noqon kara xallinta khilaafaadka iyo helidda waddo la isku raacsan yahay oo loo maro. Waxaan ku faraxsanahay inaan ka warbixiyo inaan ka hadalnay arrimo aad u ballaaran marka loo eego wareegii koobaad.

Waxaan awoodnay inaan si qoto dheer u eegno faahfaahinta iyo dhinacyada farsamo ee tallaabooyinka la taaban karo, taasoo keentay is afgarad muhiim ah oo ku saabsan mabaadi’da waaweyn iyo qaabab gaar ah, horumarkan waa mid la taaban karo.

Hadafka Turkigu wuxuu sii ahaanayaa isku-dhafka welwelka iyo buuxinta farqiyada si ay uga faa’iidaystaan ​​ma aha oo kaliya Soomaaliya iyo Itoobiya, balse sidoo kale gobolka oo dhan. Waxaan rumeysanahay in xalka wadajirka ah ee wax ku oolka ah uu yahay mid aan heli karno. Iyada oo ay sii socoto ka qaybgalka dhinacyada iyo dadaalka joogtada ah ee lagu guuleysanayo hannaanka Ankara, waxaa ujeedkeenu yahay inaan dhamaystirno xuduudaha gaarka ah ee natiijo waarta oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada ay khusayso.

Hannaanka Ankara wuu sii soconayaa, waana u heellanahay sidii hore. Waxaan mar kale isugu soo noqon doonaa Ankara 17-ka Sebtember si aan u qabanno wareegga saddexaad, annagoo rajeynayna inaan si guul leh u soo gabagabeyno hannaanka. Inta ka dhiman, wadatashiyadayadu way sii socon doonaan.

Wafdiyadii ay hoggaaminayeen wasiirrada arrimaha dibadda, Tayyadze Selassie iyo Ahmed Macaim Fiqi, waxay muujinayeen shaqo adag iyo u heellanaan inta ay wadahadaladu socdeen. Waxaan uga mahadcelinayaa ka-qaybgalkooda. Turkigu, asagoo uu hoggaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, isagoo masuuliyadan isa-saaray.

Ka Turki ahaan, waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada-hadalada wax ku oolka ah iyo dadaalka joogtada ah ee ku aaddan guusha hannaanka Ankara ee uu sameeyeen Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.

Hadal jeedinta wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Taye Atske

Waan aan uga mahad-celinaynaa dawladda Jamhuriyada Turkiga iyo Mudane Maxadaxweyne Erdogan hindisihiisa ku aadan in uu isu keeno labada dal ee deriska ee Ethiopia iyo Soomaaliya si xal wax ku ool ah looga gaaro is-fahmi waagii dhawaa.

Waxaan u mahad-celinaya walaalkay, wasiir Hakan inuu booqasho ku tagay Ethiopia halkaas oo uu kula kulmay ra’isul wasaaraha Ethiopia, Mudane Dr Abiy Ahmed, waxa ay taasi muujineysaa tusaalaha ah in Turkiga uu qaatay doorka ah in uu fududeeyo wadahadalada Ethiopia iyo Soomaaliya.

Ma ku dari karaa, Wasiir, in awoodaada in aad qabato wada-hadalo ay laba dhinac ku kala duwan yihiin oo hadda u muuqda mid miro dhalaya weli aad isu soo dhaweynso farqiga jira, aad baan u soo dhaweynayaa.

Waxa aan ku kalsoonahay in Wasiir Hakan ay ahmiyad u leedahay muhiimadda Ethiopia u leedahay fududeyntan. Xaqa Ethiopia ee nabdoon ee ay ku heli karto bad.

Ethiopia waxa ay rabtaa in xiisadu degto, xaaladuna caadi ku soo laabato, waxaan sidoo kale rabnaa in gobalka uu dego.

Waxa aan rajo ka qabnaa in ay sii socdaan wadahadalada taaso oo ugu dambeyn naga-caawin karta in xal laga gaaro xiisada hadda taagan si meesha looga saaro mad-madowga loona soo celiya xiriirka caadiga ah.

Waxa aan garwaaqsanahay in wax weyn la gaari karo iyada oo loo mariyo wada-hadalo socda, sidaa darteed, waxaa ina saaran in aan si wanaagsan u wajahno horena looga socda xaaladda tan iyo wadahalo kale oo miro dhal ah mustaqbalka inaan yeelano walaalaheen Soomaliya. Dhabtii in Turkiga uu naga caawiyey in uu fududeeyo wadaladan waa wax fiican, mar walba rajo ayaan qabnaa maya niyad jab.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

1-da Luulyo “Mataanayntii Maandeeq”

Muqdisho(SONNA):-Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u…

July 1, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: “Hindisaha Muqdishada Cusub wuxuu fure u yahay Horumarka Dalka”

Muqdisho, (SONNA):–  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Madashada Hindisaha Horumarinta Muqdishada cusub iyo dhismaha…

GudahaWararka
December 19, 2024

Kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman oo barbaro ku kala baxay

Muqdisho(SONNA)- Kooxaha Mogadishu City Club iyo Elman ayaa galabta kulan xiiso badan kuwada ciyaaray garoonka Eng Yariisow ee Ex Koonis,…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo kulamo la yeeshay safiirrada Kuwait iyo Jaamacadda Carabta ee dalka Kenya

Naroibi-(SONNA)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa ugu horreyn la kulmay safiirka dowladda Kuwait ee…

GudahaWararka
December 17, 2023

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo dil toogasho ku fulisay askari qof shacab ah dilay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta dil toogasho ku fulisay Galad Xaashi Warsame oo ka tirsanaa ciidanka…

GudahaWararka
April 14, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023