Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka wayb galay ๐๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee ๐๐๐ซ๐ข๐ญ๐๐ ๐, madashaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray mowduuca cinwaan kiisu yahay โ๐๐๐ฃ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ก๐ ๐๐จ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ข๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ ๐๐๐ฒ๐ง ๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ข๐โ halkaas oo uu Wasiirku ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay dhinacyo badan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa hadaljeedintiisii si gaar ah diiradda ugu saaray waddadii dheereyd ee loo soo maray hannaankii dayn cafin ee sida guusha ah ku soo gabagaboobay sanadkii la soo dhaafay ee 2023-ka.
Wasiirka Biixi ayaa si gaar ah u tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay ka miro-dhalinta qorshaha deyn cafinta iyadoo dalka ay ka jiraan duruufo badan oo ay ka midyihiin, la dagaalanka argagixisada, abaaraha, fatahaadaha iyo caabuqii Covid-19.
Wasiirka Maaliyadda ayaa ka qayb galayaasha Madashaan horumarinta dhaqaalaha ka rajeeyay in ay soo saaraan qorshe wanaagsan oo ay dan ugu jirto dadka iyo dalka.