Muqdisho (SONNA): Guddiga maaliyadda ee gurmad Qaran oo maanta ku kulmay xarunta dhexe ee hay’adda maaraynta musiibooyinka ayaa shacabka Soomaaliyeed markale ugu baaqay in ay ka qeybqataan gurmadka shacabkii waxyeellada ka soo gaartay qarixii Liido.
Kulankaan waxaa guddoomiyey guddoomiyaha guddiga maaliyadda ahna wasiirka wasaaradda wxbarashada dowladda FS Faarax Sheekh Cabdulqaadir, waxaana qeyb ka ahaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle, Ganacsato, Ururka Haweenka Qaranka iyo Culumada Soomaaliyed.
Guddigaan ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeybtooda ka qataan gurmadka loo sameynaayo shacabkii khawaarijta ku xasuuqday Liido, waxaana guddiga uu u mahadceliyay Golaha wasiirada XFS oo xalay lacag nus Milyan dollar ah ugu deeqay ehelada dadkii waxyeellada ka soo gaartay weerarkaas.