Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Qaahira kaga qeyb galay Shirka labaad ee Madasha Wax-wadaagga Ruushka iyo Afrika
    December 19, 2025
    Guddoomiye kuxigeenka arrimaha bulshadda iyo wacyigelinta gobolka Banaadir oo kormeeray ololaha nadaafada xeebta Liido
    December 19, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
    December 19, 2025
    Wasiirada Kalluumaysiga iyo Dekedaha XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay Masโ€™uuliyiin Turki ah
    December 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Qorsheynta oo soo xiray aqoon isweydaarsiga tiirka casriyaynta dowladnimada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Qorsheynta oo soo xiray aqoon isweydaarsiga tiirka casriyaynta dowladnimada
GudahaWararka

Wasiirka Qorsheynta oo soo xiray aqoon isweydaarsiga tiirka casriyaynta dowladnimada

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: August 7, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta soo xiray aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo ku saabsanaa tiirka casriyaynta dowladnimada ee qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025-2029).

Aqoon-is-weydaarsigan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa looga gol lahaa in lagu dejiyo yoolalka iyo qorshayaasha qaybaha kala duwan ee tiirkan, oo ay ku jiraan Amniga, Saraynta Sharciga, Siyaasadda loo dhanyahay iyo dib u habaynta hay’adaha dowladda. Waxa kale oo aqoon-is-weydaarsiga looga hadlay sidii daneeyayaasha kala duwan ay uga wada shaqeyn lahaayeen sidii caqabadaha jira loo xallin lahaa.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ee tiirkan hoos yimaada. Intii uu socday aqoon-is-weydaarsigu, Maxamed-Wali Maxamed, oo ah masuulka hogaaminaya qaybta Siyaasadda loo Dhanyahay, ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii laga dooday iyo yoolalka la rabo in la gaaro shanta sano ee soo socota. Sidoo kale, Mudane Cabdi Cismaan, Isku-duwaha Qorshaha Isbedelka Qaran, ayaa sharaxay habka diyaarinta qorshaha iyo waxa weli harsan in la qabto.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Feysal Aadan Xasan, ayaa sidoo kale hadal kooban ka jeediyay gabagabada kulanka, isagoo bogaadiyay dadaalka iyo ka qaybgalka mas’uuliyiinta.

Ugu dambayntii, Wasiirka Qorsheynta, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha aqoon-is-weydaarsiga, kuna booriyay in ay dadaalkooda sii wadaan si loo soo saaro Qorshe Qaran oo wax ku ool ah, isla markaana ay wakhti iyo dadaal badan geliyaan sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo shirka kaga qayb galay Itoobiya

Muqdisho(SONNA):- shirka Isbahaysiga Baarlamaanka Bariga Afrika ee Amniga Cuntada iyo Nafaqada oo maalmihii lasoo dhaafay…

December 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xariga ka jaray ceel riig ah oo laga hirgeliyay Beladweyne

Beladweyne (SONNA) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xarigga ka jaray ceelk riig ah oo markii…

Wararka
February 2, 2020

Wasiirka Maaliyadda XFS oo shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-gudoomiyay kulanka billaha ah ee Guddiga Maamul-Wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo…

GudahaWararka
July 17, 2024

Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Jab Xoogan Loogu Geystay Deegaanka Shabeellow Ee Gobolka Mudug

Muqdisho (SONNA)- Wararkii u danbeeyay oo aan ka helayno dad ku sugan deegaanka Shabeellow ayaa sheegaya in jab xoogan loogu…

Wararka
August 12, 2020

Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Muqdisho (SONNA)- Taliska ciidanka xoogga dalka oo gobolka Shabellada hoose ka bilaabay dhaqdhaqaaq cadawga looga xoreynayo degaannada ay kaga sugan…

Wararka
March 4, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023