Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika
    September 6, 2025
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Odayga sidii looga dhaadhicin lahaa leyska rabaa’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Odayga sidii looga dhaadhicin lahaa leyska rabaa’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Odayga sidii looga dhaadhicin lahaa leyska rabaa’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 7, 2024
5 Min Read
Share

Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ah 75% bulshada waa cududda u ballaaran dalka, kuwaasi oo u horseeda horumar dhan walba leh, waxaase jira kooxo ka dhex qaraabta oo galiya feker xun sida Xagjirnimada, kuwaasi oo ay dowladdu u sameysay qaab loo dhaqan celiyo, waxaana loo abuuray xaruumo dib loogu dhaqanceliyo, waxaa kalo jira dhallinyaro ka soo baxday Jaamacadaha Dalka, kuwaasi oo shaqo abuur ka sameystay magaalada muqdisho iyo magaalooyin kaleba iyo dhallinyaro kale oo iyagana ka kala yimid daafaha caalamka oo iyana xaruumo Meherado waaweyn kuwa yaryarba ka alliftay dalka.

Da’yarta Soomaaliyeed ee  ku qancsan ku noolaanshaha dalkooda intii ay badaha ku tahriibi lahaayeen, waa kuwa dalkooda ku damaashaada iyo dalxiiska u taga goobaha bilicda san sida Xeebta Liido iyo tan Jasiira, iyadoo qaar kalena ay ka mid yihiin Ciidamada Qalabka Sida ah ee furimaha ugu hoyda ilaalinta Calanka, ciidda, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Haddaba haddaan dulucda qormada u dhaadhaco Dhacdadii Xeebta Liido oo ay kooxda Khawaarijtu ku waxyeeleysay dhallinyaro aan waxba galabsan kadib ayay soo if baxeen kooxo ka dhex raadiyay danno gaar ah oo ay leeyihiin, kana dhex arkay fursad ayaa bilaabay dacaayado guracan oo ay ku muunad xumeynayaan magaalada Muqdisho, islamarkaana kiciyaan dhallinta Soomaaliyeed,Nin Dhallinyaro ah waxa uu yiri sidaan:-  “Xamar  waa meesha kaliya ee marka ay musiibo ka dhacdo, Soomaalida dhexdeeda  laga helayo, kuwo ka naxa iyo dad ku farxa.  Xamar waxaa shaah meel ka wada cabba, xag jir diineed  iyo Xag jir siyaasadeed oo aaminsan in la dilo ciddi ka aragti duwan. Inta badan falalka argagixiso ee Xamar ka dhaca cadawga kaligiis ma sameynkaro (ugu yaraan waa la fududeeyay) weeyna yar yihiin inta lacag lagu iibsaday ee waxaa badan inta faker ahaan ku qanacsan iyo inta dan siyaasadeed ku qabta. Xamar waa meesha kaliya ee uu aaskaaga abaabuli karo, isaga oo barooranaya  kii ku dilay”, balse iyadoo taasi jirto ayaa laga dhex arkay fursad looga faa’iideysan karo dhallinta Soomaaliyeed.

KDS ayaa dig soo tiri oo la sheegay in laga soo gaabiyay ‘KACDOONKA DHALLINTA SOOMAALIEED’, kuwaasi oo bilaabay inay Kacdoon ka abaabulaan Baraha Bulshada, iyagoo sameysanaya GROUPs, islamarkaana isku qancimaya in la sameeyo Kacdoonn la mid ah kuwa ka dhacay Wadamada, Kenya Ugandha iyo kii ugu dambeeyay ee Bangaakadheesh, waxaana dhexda uga sii dhacay Xildhinbaan Cabdiraxmaan Cabdi  Shakuur, kaasi oo soo dhigay Bartiisa Facebook-ga Sariirtii Shiikh Xasiina oo dhallinyaro isku dul sawirayaan, isagoo markaasi ula jeeda in la bilaabo mid kaa la mid ah.

“Waa dhallinyaro dul dangiiga sariirtii Sheekh Xasiina, ka dib markii ay dalka Hindiya u carartay. Tafaftiraha BBC ee Koonfurta Aasiya, Anbarasan Ethirajan ayaa la waydiiyey sababta Sheekh Xasiina oo 20 sano xukunka dalka Bangaaladeesh gacanta ku haysatay sidaa fudud loogu eryaday, wuxuu ku jawaabay; “Waxay lumisay xiriirkii kala dhexeeyay waaqaca”. “Ileyn waa qolo sida Sheekh Xasiina, lumisay xiriirkii ay waaqaca la lahaayeen?”.

Agaasimaha Heyadda Nabadsugidda Soomaaliya Cabdullaahi Sanbalooshe  waa laga dhaadhicin waayay qof aan shaqo qaban ayaa lacag la siinayaa, si uu Baraha Bulshada (social media) kaaga ammaano.  Lacagtu sooryo, ama sadaqo ma ahan ee waa biil joogto ah, oo ah ‘dadka aan kuu caayo  ama adiga ayaan ku caynayaa’, balse waxa uu aamminsan yahay in dowladnimo aysan jireynin ilaa Xididdada loo siibo dhaqanki xummaa ee CBB-da.

“Odayga sidi looga dhaadhicin lahaa ayaa leeyska rabaa. Buuqa laga abuuray social media’yaha ee ah ‘Xamar busaarad baa ka jirta’, waa sheeko xiiso leh. laakiin odayga sidee looga dhaadhicinayaa Akoonadii Shababka ee aad xirtay busaarad baa ka dhalatay? Odaya waa idin dareemooyaa ee sheeko kale keena”, sidaasi waxaa qoray Suxufi sare Ayaanle Xuseen Cabdi, markii uu arkay warar la isla dhexmarayo Baraha Bulshada ku wada xariirto, kaasoo hal ku dhig looga dhigayo ‘Xamar Shiid aa ka jira’, mid kale ayaa  isna soo qoray ‘Nabaddu ma Shiidbaa’.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐚𝐲𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐬𝐚𝐧 𝐒𝐡𝐞𝐞𝐤𝐡 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐛𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚

Muqdisho,(SONNA):-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xukuumadda DanQaran ku bogaadiyey guulaha iyo wax-qabadka muuqda ee ay…

GudahaWararka
August 23, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Jabuuti

Jabuuti:-SONNA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kaga qeyb-galaya Meertada 41-aad ee Urur-goboleedka IGAD ayaa…

GudahaWararka
December 9, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la yeeshay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la yeeshay Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Mudane Maxamuud…

GudahaWararka
December 20, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xarunta Gurmad Qaran

Muqdisho(SONNA):-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeer ku tagay xarunta qaran…

GudahaWararka
August 10, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023