Doha (SONNA): Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si adag u cambaareyey weerarkii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho, wuxuuna tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed.
Ururka Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa u tacsiyeeyey dowladda, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii argagixisada ee lagu qaaday xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho, kaasoo sababay geerida iyo dhaawaca dad badan oo shacab aan waxba galabsan.
“Anagoo ka muujineyna murugo weerarkan foosha xun, waxaan xaqiijinaynaa in falalkan dembiilayaashu ay muujinayaan xumaanta argagixisada iyo wejigeeda madow” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Ururka ayaa si xooggan u cambaareyey fal dambiyeedka, maadaama uu si buuxda uga soo horjeedo qiyamka Islaamka iyo anshaxa, waxaana ururku cambaareeyey dhammaan noocyada rabshadaha iyo xagjirnimada.
Ururka caalamiga ah ee culimada Islaamka ayaa xusay in shareecada Islaamku ay caddeysay xurmada dhiigga dadka muslimka ah oo Alle agtiisa ay ka tahay dambi weyn in si sharci darro ah lagu daadiyo.