Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya oo Shiinaha uga qaybgalay madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Dhijitaalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya oo Shiinaha uga qaybgalay madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Dhijitaalka
GudahaWararka

Wasiirka isgaarsiinta Soomaaliya oo Shiinaha uga qaybgalay madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee Dhijitaalka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 30, 2024
1 Min Read
Share

Beijing (SONNA): Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xildhibaan Maxamed Aaden Macalin (Soomaali) iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Beijin ee wadanka Shiinaha uga qeybgalay madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee horumarinta Dhijitaalka, waxaana si gaar ah sanadkaan diiradda loo saaray Iskaashiga Dhijitalka ee kaabayaasha, hal-abuurka, Isbeddelka, siyaasadda, amniga iyo iskaashiga awooda Dhijitaalka.

Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha, waxaa soo qabanqaabisay Wasaarada Warshadaha Iyo Teknoolojiyada ee Shiinaha, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Isgaarsiinta ee Wadamada Afrika, , Shirkadaha ka shaqeeyo Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, kuwa Hal-abuurka iyo aqoonyahano ku xeerdheer ICT-da.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Xildhibaan Maxamed Soomaali oo khudbad ka jeediyey Madashaan ayaa soo dhaweeyey istaraatiijiyadaha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha iyo hababka lagu kobcin karo wadamada Afrika ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.

” Soomaaliya marka laga hadlaayo arimaha Dhijitaalka waxey ka qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Ansixinta iyo diyaarinta Shuruucdii lagu hagi lahaa, waxaana hadda Baarlamaanka dalka horyaalo sharciga Amniga Saabarka iyo sharciga Cyber Crime, waxaana qeyb weyn ka yahay Dhijitaalka Qorshaha Wasaaradda ee 2024-2029″

Madasha waxaa ka soo baxay in la xoojiyo Xiriirka iyo Wadashaqeynta iyadoo la iska kaashanaayo Qorshe Hawleedka Afrika iyo Shiinaha ee Iskaashiga Dhijitaalka iyo Horumarintiisa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Wasaaradda Haweenka XFS oo ka hadashay doorka Haweenka ee ka qaybgalka Doorashooyinka Qaranka.

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin oo hadleysay doorka Haweenka ee…

Wararka
July 1, 2020

Guddoomiyaha KMG-ka ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle oo la doortay

Jowhar-(SONNA)- Xildhibaannada baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha KMG ah…

GudahaWararka
October 31, 2020

Mahdi Guuleed โ€œSaaka waxaan goob joog u nahay doorashada Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka “

Muqdisho(SONNA);-Waxaa maanta Magaalada muqdisho ka dhaceyso doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha,waxaana munaasabadda ka qeybgalayo masuuliyiin katirsan…

GudahaWararka
December 2, 2024

Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada dalka oo khwaarijta looga dilay 144 dhagarqabe

Muqdisho-(SONNA)-Hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobollada Mudug, Shabeellada dhexe, Shabeellada hoose iyo Hiiraan ayaa kooxaha khawaariijta looga dilay in ka…

GudahaWararka
February 22, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023