Muqdisho (SONNA): Wasaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS iyo shirkadda Cat’s ayaa kala saxiixdey heshiis ku saabsan daraasadda maareynta daadadka iyo sahminta biyo mareenada magaalooyinka Beledweyne Iyo Dhuusa-mareeb.
Heshiiskaan oo uu saxiixey wasiirka wasaaradda hawlaha guud Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa looga golleeyahay maareynta daadadka iyo fatahaadada soo lalaabtey ee Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Iyo sidoo kale daraasad lagu diyaarinayo helida goobaha biyo mareenada magaalada Dhuusamareeb oo ay wasaaraddu qorsheyneyso inay wadooyin ka hirgeliso, si looga hortago fatahaado ka imaan kara xilliyada roobabka iyo Isbedelka Cimilada.
Kulanka heshiiskan lagu kala saxiixdey waxaa sidoo kale goob joog ahaa Duqa Degmada Beledweyne Guddoomiye Nadar Tabax iyo wasiirka hawlaha guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir.
Mashruuca Nagaad oo ay hormuud u tahay wasaaradda hawlaha guud ee dowladda FS ayaa laga fuliyaa 5 dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaas oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka.