Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta Mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali xoosh ayaaย maanta hortagay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, isaga oo ka warbixiyey waxqabadka, qorshaha iyo ballanqaadyada Wasaaradda, Guddiyada iyo Heyโadaheeda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Cali Xoosh oo uu wehliyey Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa ka warbixiyey arrimo ay ka mid yihiin; wax waxqabadka iyo Qorsheyaasha Wasaaradda, Federaalaynta, Xasillinta iyo Dib u heshiisiinta. Waxaa kale oo qeyb ka ahaa Maareeyaha heyโadda NIRA iyo Guddoomiyeyaasha SoDMA iyo NCRI.
Guddoonka iyo senatarada Golaha Aqalka sare ayaa sidoo kale suโaalo ka weydiiyey Wasiirka masโuuliyadaha Wasaaradda iyo waxkaqababashada qorshayaasha iyo hortabinnada Wasaaradda.