Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dabool saarkii oo lagu bedalayo soo saaris (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 27, 2024
6 Min Read
Share

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya Markab Shidaal iyo Gaas ka baara Xeebaha Soomaaliya, waxaana la soo warinayaa in Turkiga uu Xeebaha Soomaaliya u soo diri doona dabayaaqada sanadkan markab sahmin doona Shidaal iyo Gaas, Qorshahaan ayaa qeyb ka ah heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta ee dalkaTurkiga dhawaan.

“Waxaan u soo diri doonnaa markabka Oruc Reis dhammaadka Sebtembar, ama horraanta Oktoobar Soomaaliya, wuxuu halkaas ka sameyn doonaa daraasad weyn oo seismic ah, oo socon karta bilo,” ayuu yiri wasiirka tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar. Markabkaan ayaa baari doonnaa Seddex Baloog, iyadoo Labo ka mid ah seddexdaasi baloog (Xirmo), ayaa 50 kiiloomitir u jira xeebaha Soomaaliya, Bayraktar ayaa intaasi ku daray in midka kalena uu u jiro ilaa 100 km.

“Waxaan u maleyneynaa in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan oo shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ee xeebaha, waxaan saxiixnay heshiis dhinaca badda ah oo saddex baloog ah, Turkiga wuxuu yeelan doonaa xuquuq gaar ah oo raadinta iyo soo saarista marka aan ka helno shidaalka meelahaas,” ayuu yiri Bayraktar.

Bishii Maarso, Turkiga ayaa Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka saliidda iyo gaaska dabiiciga ah, Wasaaradda Tamarta ee Turkiga ayaa sheegtay in ay sii xoojineyso xiriirka labada dal, ka dib markii ay heshiis dhanka difaaca ah ku heshiiyeen bishii hore.

Madaxweynaha Dalka Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa u gudbiyay Baarlamaanka Turkiga qaraarka Ciidamo Turki ah loogu soo diraya xeebaha dalka Soomaaliya, si ay u ilaaliyaan, isagoo baarlamaan dalkiisa ka codsaday in ay meel-mariyaan arrintaasi. Labada dal ayaa bishii February 2024 kala saxiixday heshiiska difaaca badda oo 10 sano qaadanaya, kaasoo yimid bil kadib markii Itoobiya is-afgaradka la gashay Maamulka Somaliland.

Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa ku soo wajahan biyaha Soomaaliya oo ka ilaalin doonaan cadowga ku soo xadgudba xeebaha, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo iyo wixii la mid ah. Sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Ciidamo badeed u dhisaya dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Turkiga waxaa la filayaa in September dhammaadkeeda ama bilowga October inuu Markab kale oo shidaal baaraya u soo dirto xeebaha dalka Soomaaliya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in Gaas iyo Saliid ay dhex ceegaagaan, waxaana Shirkad dowladda Turkiga leedahay oo TPAO la yiraa loo xilsaarey baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya.

Tani waday muujinaysa sida Turkiga uga go’an tahay inuu Soomaaliya kaalmo waaweyn ka qaato siiba dhinacyada dhaqaale kabis, dhisid ciidan oo cudud xooggan leh iyo abuurid ilo dhaqaale oo cusub, waxaana xusid mudan in Turkiga shirkado laga leeyahay ay haatanba maamulaan Garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo Dekadda oo ah illaha dhaqaalaha ugu weyn dalka, iyadoo dhanka militeriga, dowladda Turkiga ay tababarto Ciidamo booliska iyo militeriga ka tirsan iyo kuwa cirka, taasoo qeyb uga qaadanyso dib u dhiska Ciidanka qaranka oo lagu wado inay Mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS marka la gaaro bisha December 2024-ka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada ka socda wadanka Turkiye oo la filayo inay soo gaaraan Xeebaha Soomaaliya, waxaana arrintaasi ka hadlay La taliya Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliuya Xuseen Sheekh Cali, wuxuuna sheegay in ciidamada ka socda dowlada Turkiga ee imaanaya Soomaaliya ay qeyb ka yihiin heshiiskii difaac ay Soomaaliya iyo Turkiga ay wada gaareen.

La taliyuhu isagoo sharaxaya shaqada cidamadaasi ayaa xusay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa ka socda Turkiye, ‘si ay u tababaraan Ciidamada Badda ee Soomaliya oo u taagan difaaca Xeebaha Soomaaliya’, waxa uuna intaasi ku daray in labada dowladoodba ay dadaal ugu jiraan dhaqan-galintaasi heshiiskaasi, dibna laga soo sheegi doono goobaha ay ka howlgali doonaan ciidamada Badda ee Dalka Turkiye.

Dhinaca kale Wakaaladda Wararka Turkiye Anadol ayaa daabacday warbixin ay cinwaan uga dhigtay ‘Turkiga oo saxiixay heshiis soo saarista shidaalka Soomaaliya’, waxayna u soo direysaa Markab ka qeybqaadanaya baarista shidaalka ka buuxa Xeebaha Soomaalaiya, ayna ilaalin doonaan Maraakiib dagaal.

“Soomaaliya waa cajiib, waxay leeyhiin Xeebta ugu dheer Afrika, waana Xeebta ugu dheer ee dhinca Biyaha kulul, taasi oo aanan wali Gaas laga qodin, waana Badda kulul ee ka sii dheer midda waqooyiga Ingiriiska, Jarmalka, Faransiiska iyo Biljamka”, sidaasina waxaa sheegay Khabiir dhinaca Saliidda ah oo u dhashay Wadanka Ingiriiska. Halkaasi waxaa ka cad in Biyaha kululi ay yihiin calaamad weyn oo ku tuseysa in laga helaayo Badda Soomaaliya Gaas cadaddiisu aad u fara badan tahay.

Wasiirka Batroolka iyo Macdnta ee Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa wareysi uu siiyey kal hore BBC-da ku sheegay in Soomaaliya ay dabayaaqada sanadkaan la soo saari doono shidaalkii ugu horreeyay ee laga qodo gudaha Soomaaliya, kaasi oo la filayo in uu noqdo maadada ceeriinka ah, kadibna loo diri doono tijaabo baaritaan. Dhawaan waxaa khubaro ka socota Hey’adda Batroolka Soomaaliya ay booqdeen deegaanno ka tirsan Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo, halkaas oo ay maamulka iyo dadka deegaanka kala hadleen saameynta dhinaca deegaanka ee ay yeelan karto shidaal soo saaristu, wuxuuna Waraysiga uu BBC da siiyay wasiirka Batrool ka ayuu ku faahfaahiyey qorshaha shidaal soo saaridda iyo sida ay isugu xigaan hawlaha lagu soo saarayo shidalka ceeriin.

By.C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

23 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Afgooye(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fuliyay howlgal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ka…

GudahaWararka
December 4, 2024

Shabaabka oo shartooda dhexmariya Dumarka (WARBIXIN)

Beryahaan waxaa soo badanayay Dumar badan oo ka soo dhex muuqday Maxkamadaha Dalka, kuwaasi oo loo heysto eedeeymo la xariira…

GudahaMaqaallada
September 20, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Md. Shariif…

GudahaWararka
July 22, 2024

Ra’iisul wasaare ku xigeenka 2-aad ee dalka oo ka qaybgalay saxiixa shirkadaha ku guulaystay dhismaha waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (SONNA): Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ka qeybgalay munaasabad…

GudahaWararka
February 11, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023