Bani’aadamku waa marqaatiga Alle ee Ifka jooga. Qofka Ahlukheyrka ah Uunka oo dhan ayaa wada jeclaada. Sheekh Cismaan saaka waxaa laga sagootiyay caalamkii uu sannadaha badan samaha iyo kheyrka ka waday. Safaf dhaadheer oo dad heer walba bulshada ka jooga ah ayaa xaadiray salaaddii Janaasadda oo saacado badan socotay si loo kala gaaro axbaabtii Sheekha oo u soo qulqulayay haleelidda fursadda qiimaha badan ee sagootinta mid ka mida dadkii ugu fadliga badnaa ee casrigan noolaa. Sidii ifka looga jeclaa in Aakhiro looga jeclaan doono ayaan u rajaynayaa.
Sannadkii 1940-kii ayuu ku dhashay meel la yiraa Dahar Aw-Dhiblaawe oo ah baaddiyaha magaalada Ceeldheer ee Bariga gobalka Galgaduud. Waxa uu ku abtirsadaa Sheekh Daa’uud Culusow oo ahaa caalim weyn, halgamaa iyo hoggaamiye caan ka ahaa goballada dhexe oo diin-fidinta iyo difaaca dadkaba hormuud u ahaa. Sheekh Cismaan-xiddig, isaga oo 5 jir ah ayaa loo billaabay duruusta Qur’aanka. Macallinkiisa waxaa la dhihi jiray ‘Macallin Baay’. ‘Magaca Baay’ waa Usha Ardayda lagu karbaasho. Macallin gacan kulul oo Qur’aanka si fiican looga barto ayuu ahaa.
Mar taariikhda Sheekha laga sheekeynayay, waxaa asaga laga soo xigtay in waagaas uu qur’aanka baranayay uu gaaray heer uu labada dhinacba u seexan waayo xannuunka jeedalinta macallinka dartiis. Waxaysa ahayd billowga ad-adayg, adkeysi iyo u-go’idda barashada diinta oo ka caawisay inuu isagoo aad u da’ yar fahmad fiican yeesho culuum badan oo diineedna barto. Markii uu 10 jir noqday ayaa loo soo wareejiyay magaalada Ceeldheer. Waxa uu ku biiray xerta adeerkiis Sheekh Cabdullaahi Sheekh Daa’uud, halkaas oo looga billaabay barashada culuumta diinta, gaar ahaan Axkaamta iyo Naxwaha.
Intaas ku ma uusan ekaanin, ee barashada diinta waxa uu ugu xereystay culumo kale oo waaweyn, sida Sheekh Abba Cali Sheekh Cali Maye oo uu dhowr sano magaalada Marka la joogay, asagoo u ahaa arday iyo muriid daacad ah oo si fiican uga soo diin-qaatay. Sheekha waxa uu yaraantiisii billaabay in uu ka saahido dhalaalka iyo dheregta adduunka. Wuxuu yeeshay dabeecado raad ku reebay noloshiisa iyo caafimaadkiisaba. Waxa uu ahaa mid gaajada iyo hurdo-la’aanta la saaxiib ah, waxaana la sheegay illaa markuu Ceeldheer Ardayga ku ahaa inuu maalintiina soomi jiray, habeenkiina Salaatu-Leyl iyo cibaado ku soo jeedi jiray. Waxaa dhici jirtay in maalmo badan marka uu masaajid ku jiro ay waalidkiis soo raadin jireen oo ku canaanan jireeen inuu Guriga yimaado oo Raashin fiican ka soo cuno.
Hab-nololeedkaas Alle-u-go’idda ah ee nasashada iyo nolosha raaxada leh ka fog waxa ay Sheekha ka dhigtay mid astaan u noqda dhowr-sanaanta iyo in aysan adduunyadu aheyn meel u qalanta in lagu kadsoomo oo darteed loo Aakhiro-seego. Waxa uu Sheekhu ahaa barbaariye si weyn isaga xilsaaray hagaajinta Ummadda. Waxa uu noloshiisa u huray soo-saarista kummanaan xertiisa ah, kuwaas oo uu daryeelkooda iyo diin-baristooda ka dhigtay mudnaanta koowaad ee noloshiisa.
Dhanka kale, nolosha adag ee istareexa ka fog oo uu Sheekhu naftiisa ku soo carbiyay waxa uu ka dhaxlay xanuunno intii dambe ee cimrigiisa ahaa la soo socday. Waxa uu noqday mid muuqaal ahaan da’diisa si aad ah uga weyn. Hadda oo uu 84 jir ku geeriyooday, dad badan ayay la ahayd in uu boqol xiray. Wax-soo-saarkiisa aqooneed oo aan tiro lagu koobi karin waxay isugu jiraan jiilal badan oo caalimiin ah, goobo cilmiga lagu barto oo meela badan ku yaalla, iyo kutubta uu qoray oo maraajic u ah dadka funuunta kala duwan ee cilmiga diinta ku foogan oo Soomaali iyo Ajaanibba leh. Kutubtaas waxaa ka mida kuwa sawirka hoose ka muuqda.
Taariikh nololeedka Shiikha waxaa soo aruuriyay Maxamed Dhaaleey oo ka mid ahaa Xerta Shiikh Cusmaan Xiddig ka aflaxday. Ilaahay ha u naxariistee, Sheekha waxa uu Ifka uga tegay Qoysas badan oo ballaaran, kuwaas oo isugu jiray carruurtiisa iyo wixii ay sii dhaleen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cusmaan Xiddig) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna aad u xusay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhexaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isagoo tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud waxa uu ahaa caalim tacab iyo waqti badan galiyay baridda iyo faafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo maanta door weyn ku leh fidinta diinta” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo Tacsi taasi la mid ah u diray Ra’iisul-wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aaden Madoobe, Masuuliyiin sare oo tirsanaa Dowladihii hore iyo Culumaaudiinka Soomaaliyeed.
” maxaa intaan Makhluuq ah isku keenay ? oo Magaaladii xirxiray oo Wadooyinkii dhan Jaam u yihiin ? kaliya Waa jaceylka ay u qabeen Shiiqooda “, sidaasi waxaa yiri:- Sh Cali nuur oo ka hadlaayay Salaadda Janaasadda kadib, “Xaramka mooyee meel kale laguma arag”, ayuu sii raaciyay. “Alle markuu addoonkiisa saalixa ah uu jeclaado wuxuu ugu yeeraa Malak Jibriil inuu adoonkaas jeclaado markuu jibriil jeclaado kadib malaaikta kale ayaa jeclaata kadibna dadka dhulka jooga ayaa wada jeclaada”.
Dadkan tira badan waa dadkii maanta ka qeybgalay Janaasada Caalimka Soomaaliyeed ee Sheekh Cismaan Xidig oo xalay ku geeriyooday Muqdisho isla maantana lagu aasay Magaalada Muqdisho. Sheekh Cismaan wuxuu ahaa Caalim rabbaani ah, murabbi Zaahid ah dadka dhanna ay aad u wada jeclaayeen. intuu noolaa Sheekha wuxuu waqtigiisa oo dhan uu ku bixiyay faafinta diinta islaamka iyo soo saaridda jiilal ku hubeysan akhlaaq iyo culuumta shareecada ah.
“Caawa waxa ii soo baxday in uu geeriyooday Sheekh Al-Calaama Al-Faqiih, oo ahaa tafsiirkii suufiga ahaa ee la cusboonaysiiyay, caalimkii Cuthmaan bin Sheekh Cumar bin Sheekh Daa’uud ‘Xiddig allaah ha u naxariistee”, sidaasi waxaa Boggiisa Facebook-ga ku soo qoray Sheekh Coun Alqudumi oo ka mid ah Culumaa’udiinka WadamadaCarabta, islamarkaana u dhashay wadanka Urdun oo mar soo booqday magaalada Muqdisho.
Sheekhu waxa uu ka sheekeeyay taariikhda Sheekh Cusmaan xiddig, “Waxa uu bilaabay xirfadiisa aqooneed isaga oo xifdisan qur’aanka kariimka ah, isaga oo toban jir ah, wixii ka danbeeyayna waxa uu noqday xertii Sheekha, waxaana ka mid ahaa: adeerkiis, xaakimkii Sheekh Cabdillaahi bin Sheekh Daa’uud, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Sheekh Abuubakar bin Sheekh Mohayiuddin. iyo xertiisa Sheikh Hussein Mohammed Mahmoud Atta, caalimkii Sheikh Hussei bin Sheikh Mohammed Al-WarSheikhi iyo kuwo kale. Iyo Fasaaxadiisii Xadiithka Sheekh Muxammad Axmed Maxamuud oo loo yaqaanay “Abba” iyo Sheekh Muxammad Nuur bin Sheekh Ibraahim bin Macallim Siraaj, iyo Fasaxdiisii Calamada Al-Shatri, wuxuuna dariiqii Idiris ka qaatay Sheekhyo badan oo ay ka mid ahaayeen. Abtigiis Sheikh Ahmed bin Sheikh Daoud, iyo Mas’uulkiisa Sheikh Aba Ali bin Sheikh Mohammed bin Sheikh Ali Meye iyo Mashaa’ikh badan”
“Sheekh Cusmaan waxa uu ka mid yahay Sheekha barakeysan ee doorkooda la badiyo, laguna cusboonaysiiyey u adeegidda baaqa Muxamed ee xilligan isbedbedelka ah, si uu Sheekheenu ugu dhawaado dhammaan wixii uu qabtay; aqoon, dhadhamin, adeeg iyo baaqba, waana mid ka mid ah indhihii Jihaadka dhabta ah ee wakhtigan la joogo, waana danta iyo culimadii qarniga Afrika ugu waa waynayd, Xataa lagu naanayso “Xiddig”, Eray Soomaali ah oo macnihiisu yahay Al-Najm Carabi, waxa uu soo kormeeray dhawr iyo toban xarumood, geeso iyo masaajidyo ku kala firirsan afarta dal ee Soomaaliya iyo dibeddiisaba, kuwaas oo Alle mahaddiis ka soo baxay, fadligii Alle, iyo ololihii shareecada Muxammadyah”.
Culumadii Tacsida Sheekha ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Sheekh Cali Wajiis “ ” Aniga waxaan Ahay dariiqada axmadiya , Shiiq cismaan xidigna Saaxibkey ayuu ahaa ,hadda ka horna Culima la doodeysa intaan soo raacay ayaan isaga ku dhinac Noqday ” .
kumanaan Xer ah ayaa Lugeynaya Magaalada, Kuwaasi oo doonaya in ay ka qeyb galaan Janaazada Shiikha, waxaana la magacaabay Cidda bedeleysa, haddaba WAA KUMA SHEEKHA BADALAYA SH.CUSMAAN XIDIG? “Mas’uuliyadii iyo howshii Sheekh Cusmaan Xidig waxaa sii wadaya Sheekh Cabdifataax maanta isagaa noo ah Sheekh Cusmaan Xidig”sidaasna waxaa sheegay Sheekh Maxamed Daauud oo ka mid ahaa Khaadumiinta Shiikha.
By. C/lahi Ruush