Baydhabo (SONNA): Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed gaar ahaan guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ayaa hawlgal sieyn ah waxay ka sameyeen deegaanada dhaca buuraleyda iyo dhulka hawdka ah ee kala qaybiya gobolada Baay Iyo Bokool, waxaana hawlgalkan hogaaminayey taliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad dhamme Ahmed Sheekh Cabdiraxmaan.
Hawlgalla waxaa lagu burburiyay goobo maleeshiyadka Khawaarijta u ahaa maktabka diiwaan gelinta malesehiyadka cusub iyo xarun ay ku qaadayeen Lacago baad ah oo ay ka aruurin jireen dadka Soomaaliyed ee isticmaala wadooyinka Baay, Bokool iyo Gedo.
Taliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad CXDS Dhamme Axmed Sheeh Cabdiraxmaan ayaa warbaahintaย Qaranka u xaqiijiyey in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ay wali ku sugan yihiin goobaha ay Khawaarijta ka eryeen, iyagoo xaqiijinaya amniga dhulkaas.