Muqdisho.(SONNA):- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay shirweynihii labaad ee madasha horumarinta iyo waxqabad wadaagga caalamiga ah ee ( Shared Development). shirkan ayaa socon doona inta u dhaxaysa 11-13 Luulyo, 2024.
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hayโadda Horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah (CIDCA) ย ee Shiinaha ayaa ujeedkiisu tahay in la kobciyo iskaashiga caalamiga ah si loo helo horumar waara.
Wakiilo ka kala socda in ka badan 110-waddan iyo 30 hay’adood oo caalami ah ayaa isugu yimid shirka, wuxuuna shirka intiisa badan daarnaa in la sahamiyo lana qorsheeyo waxqabadka iyo horumar waara ee guud ahaan caalamka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay xafladda furitaanka 12-kii July, isagoo ku nuux nuuxsaday guulaha laga gaaray hindisaha horumarinta Caalamiga ah (GDI) tan iyo soo jeedintii 2021-ka, iyada oo loo marayo is af-garad iyo iskaashi, sida maalgelinta, shaqo abuurka, yaraynta saboolnimada, cusboonaysiinta warshadaha, iyo yaraynta isbedelka cimillada.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Kullane,ย ayaa shirka ka sheegay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka Shiinaha, wuxuuna carabka ku adkeeyayย sida ay Soomaaliya uga goโan tahay iskaashiga caalamiga ah, isagoo dhanka kale, tilmaamay in Soomaaliyaย ay daneyneyso ka faaโideysiga fursadaha ay ay GDI-du bixisoย si aan uย joogteynoย hadafkeena horumarineed.