Baladweyne-(SONNA)- Ugu yaraan Toddoba xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ayaa lagu dilay howlgallo ay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ka fuliyeen Tuulada Ceel-cadde ee galbeedka gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Hiiraan G/sare Isaaq Cali Cabdille oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay howlgal saacado badan socday in khawaarijta looga dilay malleeshiyaad ka badan toddoba, halkaas oo looga furtay xoolo ay ka dhaceen dadka deegaanka.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay si dhammaystiran khawaarijta ugu saari doonaan galbeedka gobolka Hiiraan haatanna ay billowdeen howlgallada ka dhanka ah argagixisada.