Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Abuukar iyo guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle Dr Cabdulhakim Lukman oo si wada jir ah u guddoomiyay kulan ballaaran oo yeesheen Xildhibaannada Dowladda Federalka iyo kuwa dowlad goboleed Hirshabeelle iyo Saraakiisha xoogga dalka, kulanka oo looga hadlayay dib u xoreynta deegaannada galbeedka Hiiraan iyo u diyaar garoobii ugu danbeeyay dagaalka qeybtiisa labaad ee kooxda Khawaarijta looga saarayo deegaanadaasi.
Saraakiisha iyo Xildhibaanada ayaa isla qaatay in deg deg loo bilaaba dadaalada dib deeganadeena looga xoreyneyna Khawaarijta gaar ahaan galbeedka Hirshabeelle.