Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Maxamed (Dhucle) ayaa ka qeyb galay shirka wasiirrada Urur Gobaleedka ISCOS ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay Horumarinta Iskaashiga Hawlaha Maraakiibta, Tababarada Xirfadaha Badda iyo Amniga Badaha.
Gunaanadkii shirka ayaa waxaa la daahfuray magaca cusub ee badalaya ISCOS kaas oo noqonaya (MOESNA), Urur Gobaleedka Badaha ee Bariga, Koonfurta iyo Waqooyiga Afrika.