Muqdisho (SONNA): Hawlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha kale ee ammaanka caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9-Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka sida.
Askarta lagu soo qabtay hawlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo todobaadka xorriyadda.
War kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri โWaxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale heyโadaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.โ