Muqdisho (SONNA): Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa guddoomiyey shirka Degmooyinka Muqdisho, kaas oo looga hadlay howlaha horumarinta Caasimadda, gaar ahaan Amniga, Arrimaha Sharciga, Nadaafadda, Dakhliga, Dhismaha goobaha danta guud iyo u diyaar-garoowga munaasabadaha Xorriyada 26-ka Jun iyo 1-da Luuliyo.
Shirkan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yabooh ,waxaa uu kula dardaarmay masโuuliyiinta ka qeybgalay kulanka xoojinta wadashaqeynta ,iskaashiga maamulada degmooyinka iyo in si hufan loogu adeego bulshada.