Nairobi (SONNA): Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta dowladda FS mudane Maxamed Aaden Macalin Cali (Soomaali) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadair ah magaalada Nairobi ugu furay shirka xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.
Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarint ganacsiga, la-xaalidda masiibooyinka deegaanka iyo isdhexgalka dhaqaalaha.
Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa sharxay yoolalka iyo Muhiimadda uu leeyahay mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa isdhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka.
Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svenssonย ย ayaa Bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalinta Mashruucaan.
Sidoo kale shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha hay’adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka, madaxa mashruuca EA-RDIP iyo Mas’uuliyiin kale.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay wadaa dadaal looga faa’iideesanaayo baahinta internetka si kor loogu qaado dhaqaalaha iyo hormarka dalka.