Muqdish,(SONNA)-Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhoweeyey Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare.
Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Ali Abdi Awaare si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.
Danjire Ali Abdi Awaare ayaa dhankiisa uga Mahad celiyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, sidoo kale danjiraha wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta wuxuuna xaqiijiyay iney ka goโan tahay soo celinta kaalintii muuqatay ay soomaaliya ku laheyd Ururka Jaamacadda Carabta.
Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Danjire awaare ka qeyb galay Danjiraha dalka Mauritania oo doorkaan ah Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.