Qormadan waxay isugu jirtaa, Ku baaqid wax ka qabasho iyo Dib-u-eegis ku saabsan Xaaladda Deegaanka iyo Cimilada ee Soomaaliya.
_______________________________________
Fahamka Deegaanka:
Deegaanku waxa uu ka kooban yahay waxyaabo dabiici ah ee aynu ku nool nahay ama nagu hareeraysan, oo ay ka mid yihiin; hawada aan neefsaneyno, biyaha aan cabno, ciidda aan ku nool nahay [ku dul-noolnahay], iyo noolaha innaga inala-nool. Waa nidaam isku dhafan oo isku tiirsan oo taageera nolosha dhulka. Nasiib darro, ficiladeenna waxay carqaladeeyeen dheelitirnaanta deegaanka, iyagoo keenay dhibaatooyin culus oo deegaanka ah; sida isbeddelka cimilada, xaalufinta dhirta, iyo luminta noocyada kala duwan ee dabiiciga ah. Maalinta deegaanka adduunka [World Environment Day], waxaa tahay in aan is xasuusinno masโuuliyadda naga saaran ilaalinta iyo soo celinta deegaankeena si aanย mustaqbal fiican ugu diyaarinno ubadkeenna..
Ololaha Soomaaliya Cagaaran: (The Green Somalia Campaign)
Bishii Oktoobar 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu xariga ka jaray ololaha Soomaaliya Cagaaran oo ah hindise ku aaddan in guud ahaan dalka lagu beero 10 milyan oo geedo ah. Hindisahan, oo lagu daahfuray Magaalada Baydhabo, wuxuu hoosta ka xariiqayay doorka muhiimka ah ee dhirtu ku leedahay la dagaallanka nabaad guurka, xaalufinta deegaanka, yaraynta dhibaatada loo gaysto deegaanka, iyo horumarinta mustaqbal waara oo Soomaaliya yeelato.
Ololuhu wuxuu diiradda saaraayay inuu wax ka qabto caqabadaha deegaanka ee daran ee Soomaaliya markaas [iyo hadda ba], ay si daran u wajahaysay oo ay ka mid yihiin; abaaraha iyo roob yarida soo noq-noqday kuwaas oo ka sii daray xaalufinta dhirta. Billowgii waxaad mooddaa in ay jirtay xamaasad iyo wax aan dhihi karo laab-lakac taas oo markii dambe la waayay meel ay ka baxday. Dowladda iyo hayโadihii arrimhaas u xil-saarnaa way ku guul-daraysteen in ay sii dhaqaajiyaan hindisihii iyo qrshayaashii uu Madaxweynuhu billaabay ee rajada badan laga qabay.
Ilaalinta Deegganka Soomaaliya oo ay Gollaha Amaanka Qm ay kasoo saareen goโaano dhaxal u noqday badqabka deeeganka.
Sannado kala duwan ayee qiimeynta ilaalinta deegganka Soomaaliya ka gashay kaalmaha hoose, iyada oo lagu eedanayay dalalka sida baโan u nabaad-guuriyayย deegganka.
Dunida oo mab-nuuc ka tahay dhoofinta Dhuxasha ayee Soomaaliya u dhoofisayย dalalka khaliijka iyo kuwa kale intii u dhexeeysya 2006 ilaa 2012, iyada oo Bishii Febaraayo sannadkii 2012 Golaha Amaanka Qaramada midoobay cod aqlibad leh ku mamnuucayย dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, waxaana xiligaasi Golaha qodnada ay cuksaneen waxey ahayd xaalufinta dhirta, dhaqaale fara badan oo ay kasoo gala kooxaha Aragaxisada ee ka dagaalao Soomaaliya. wax uuna Wadamada carabta ku cadaadiyay in ay joojiyaan soo dagsashada dhuxsha.
Caqabadaha iyo Dhibaatooyinka Hirgelinta (Environmental Challenges in Somalia)
Inkasta oo uu jiray sida aan soo sheegay rabid bulsheed oo ku saabsan ololaha Soomaaliya Cagaaran, caqabado badan ayaa hor istaagay horumarkiisa. Caqabadahaas waxay isugu jireen isku duwid la’aanta iyo balanqaadyadii laga sugaayay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo hungoobay taas oo muhiim iyo tiir ba u ahayd bixinta kheyraadka loo baahan yahay (resources), siyaasadaha (policies), in kastoo tan wax laga sameeyay, hadana haddii aanan la-dhaqangilin, wax micna ah malleh.. Waxay ahayd in lasii dardargiliyo oo bulshada qaybaheeda kala duwan, dowlad goboleedyada dalka iyo hay’adaha dowladda inay si firfircoon uga qaybqaataan beerista geedaha iyo dadaallada ilaalinta deegaanka.
Sidoo kale, xaaladaha cimilada adag ee Soomaaliyaโoo ay ka mid yihiin roob yarida, dabaylo joogto ah, iyo fatahaado soo noqnoqdayโwaxa ay adkeynayaan [een] hirgelinta mashaariicda beerista geedaha ee ballaaran.
Soomaaliya waxay la tacaalaysaa dhibaatooyin badan oo deegaanka ah oo kordhiya nuglaanta bulshadeeda, isbeddelka cimillada ee aan caadiga ahayn oo ay ku jiraan abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado mararka qaarkood dhaca, waxay carqaladeeyaan in ay beeraleeydu ay wax soo saaraan.
Rajo Badan ayaa muuqata:
Geesta kale waxaa jiro dhallinyaro si iskooda ah is-xilqaam ah ugu shaqeeya beerista dhirta iyo ilaalinteeda, kuwaas oo faham buuxa ka haysta, qaarkood oo aan kula kulmay Caasimadda Dalka waxay ila wadaageen mudnaanta ay siinayaan howshan.
Mid kamid ah xaruumaha yididdiilada u ah horumarka deegaanka iyo isbeddalka cimillada ee aan booqday waa xarunta xanaanada Caruurta Agoonta ee Ciidanka Police-ka Muqdisho, Osma Oscar iyo Saaxibkiis waxay si is-xilqaan ah geedo ugu abuureen xarunta, waxa uu Cusmaan hoosta ka xariiqay in arrinkan ay ugu danleeyihiin in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo cagaaran dhirtana saaxiib la ah, taas oo qeyb ka qaadanaysa bilicda caasimadda iyo il-qabsiga quruxda badan.
Sidoo kale guulaystayaasha (Champions-ka) uu horkaco Ustaad, Cabdisatar Carabow oo ah ma daalayaasha isku xilqaamay qurxinta iyo nadaafadda Xeebta Liido, waxay iyaguna subax kasta oo jimca ah guntiga u xirteen in mid kamid ah meelaha loo dalxiis tago ay nadiif ahaato, waxayna howshaan wadaan Cabdisataar iyo saaxiibada kale ee dhallinyarada u badan wax ka badan Saddax sano.
Waddooyinka lagu Xallin karo Caqabadaha iyo sida loogu guulaysan karo:
Si loo xalliyo caqabadahaas aan soo sheegay waxaa ay ila tahay haddii tallaabooyinka hoose aan ku bixiyay la qaado in wax laga qaban karo isbadelka cimillada iyo deegaanka:
1.Xoojinta Taageerada Hay’adaha:ย (Strengthening Institutional Support)
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada waa in ay qaataan door firfircoon oo ku saabsan isku-duwidda dedaallada, bixinta kheyraadka iyo fulinta siyaasadaha taageeraya ololaha, Iskaashiga maamullada gobollada iyo dadka deegaanka waa lama huraan si loo hubiyo hab midaysan.
- Ka-qaybgalka Bulshada iyo wacyi gelinta: (Community Engagement and Education:)
Kordhinta wacyiga ku saabsan muhiimadda ay leedahay beerista geedaha iyo ilaalinta deegaanka ee bulshooyinka maxalliga ah waa muhiim.
Barnaamijyada waxbarashada iyo dhiirrigelinta waxay kor u qaadi karaan ka-qaybgal firfircoon iyo abuurista dareen lahaansho iyo mas’uuliyadeed.
Sidaas oo kale dhallinyarada hada isu abuubushay iskood iyagana in lasii dhiiri geliyo oo lagu taageero aqoon iyo agab wixii ay u baahan yihiin, tani waxay ka qayb qaadan kartaa in bulshadu si iskood ah ay isku xilqaamaan, qofkasta iyo deegaankastana uu is abaabulo.
3.La-qabsiga Xaaladaha Cimilada: (Adapting to Climatic Conditions:)
Hirgelinta farsamooyinka sida isticmaalka noocyada kala duwan ee geedaha u adkeysan kara abaaraha iyo isticmaalka hababka biyaha ilaalin kara, waxay kordhin karaan heerka badbaadada geedaha cusub. Abuuristaiyo hababka ilaalinta ciidda waxay sidoo kale yareyn karaan saameynta xaaladaha cimilada adag.
4.Ka-faa’iidaysiga Teknolojiyadda iyo Hal-abuurka: (Leveraging Technology and Innovation:)
Adeegsiga Teknoolojiyadda casriga ah sida helitaanka macluumaadka fog iyo GIS (Nidaamka Macluumaadka Juquraafiyeed) waxay caawin karaan in la sameeyo khariidadaha aagagga ku habboon ee ay tahay in la beero sidoo kale la ogaado koritaanka geedaha. Xitaa tani waxay sahli kartaa in beeralaydeennu ay hellaan xalal waara iyo in ay maareeyaan fatahaaddaย biyaha.
Tallooyinku ama tallaabooyinka in la qaado ay tahay, intaan waa ka badan yihiin, balse intaan baan kusoo koobay. Fadlan adna wax ku biiri/ku dar. Mahadsanid
Gunaanad
Maalinta Caalamiga ah ee Deegaanka (World Environment Day) waxaa ay na xasuusinaysaa waajibaadka qofkasta ka saaran in uu deegaanka ilaaliyo, masโuuliyadda dhankiisa ka gaysto oo aan ku dedaalno sidii aan u quruxsan lahayn deegaankeenna, gacanna ka geysanno Ololaha Soomaaliya Cagaaran, inkastoo caqabado badan ka jiraan haddana wuxuu nasiinayaa yididiilo fara badan, sida waddamada deriska oo aan tusaale usoo qaadan karo Kenya iyo Ithoobiya, kuwaas oo tallaabooyin xagga hore ah u qaaday horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka cimillada.
Hadii aan rabno in aan waddamada geeska Africa la-tartanno, wax la qaybsanno, maalgashi uu wadankeena helo, waa in aan wax badan ka qabanaa arrimahan deegaanka quseeya, hadii kale 20 sano soo soocota ama 30 sano mesheen ayaan joogeynaa, aan mideyno dedaalladeenna oo aan qaadno tallaabooyin sax ah oo waxtar leh, si aan u ilaalino deegaanka.
Geed aad beertaa waa adiga oo nolal hagaajiyay, haddaba illaa goorma ayaa la isku xilqaami doonaa ilaalinta iyo kobcinta Deegganka?
โNadaafaddu waa iimaanka barkiis.โ(Xadiithkii Nabigeenna Nabad gelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee laga wariyay).
W/D; Cabdirashiid Nuur Ibraahim