๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ Heyโadda Lacagta Adduunka ayaa ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐๐๐ ๐ ๐๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ข๐-๐ฎ-๐๐๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐ข๐ข ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐,๐ค๐๐๐ข๐ ๐ก๐๐ง๐ง๐๐๐ง๐ค๐ข๐ข ๐๐๐ฒ๐ง-๐๐๐๐ข๐ง๐ญ๐.
Kadib,shirar isdaba joog ahaa oo ay wada qaateen madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa heyโadda IMF tan iyo December 2023-kii oo aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya gaartay bar dhamaadka deyn cafinta, ayay hada guddiga sare ee IMF waxa ay si rami ah ugu dhawaaqeen warbixin ku saabsan arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ahaa”-
in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha.
Goโaan ka gaba gabada ah ee guddigu soo saaray, waxa uu Dowladda Soomaaliya u ogolaanayaa in si deg deg ah loo siiyo ilaa $10 milyan oo doolar oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib-u-habaynta Maaliyadda.
Heyโadda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 Boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadkii tagay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8.
Boqolkiiba, Warbixinta IMF ayaa lagu yiri, Soomaaliya waxa ay sii wadday in ay horumariso barnaamijyadeeda dib-u-habeynta Maaliyadda oo u ahaa ajande xoogan oo mudnaan gaar ah lasiiyay. sidoo kale, waxaa xooga la saaray joogteynta qorshayaasha horumarinta dakhliga iyo maamul wanaaga maaliyadda ayaa lagu yiri warbixintaasi.