Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Xarunta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku qaabilay Wafdi Sare oo ka socday Hay’adda UN OCHA , kaas oo uu hoggaaminayey Madaxa hay’addaan Xafiiskeeda Soomaaliya .
Labada dhinac ayaa kulankooda uga wada hadlay halka uu marayo qaban-qaabada shirka Madasha arrimaha bani’adannimada kaas oo lagu wado in Muqdisho ka furmo, Arrimaha ka hortagga leexsashada gargaarka, qorshaha fog ee ha’yadda uga aaddan maareynta musiibooyinka iyo xal u helida Barakacyaasha.
Sidoo kale waxaa kulankaan lagu xusay in la sii wado Arrimaha lacagaha Cadaanka ah ee (Cash Program) ee la siinayo dadka barakacyaasha ah, iyada oo la isku raacay xal in laga gaaro Arrimaha lacagaha Cadaanka ah hada kadibna laga sameeyo doodo iyo kulamo u qaas ah.