Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah
    January 30, 2026
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dowladda oo si weyn ula socota dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: May 27, 2024
6 Min Read
Share

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa goโ€™aamiyay in cunaqabatayn lagu soo rogo sedddex hoggaamiye oo ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan Talaadadii ka soo baxay golahaasi. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in saddexda hoggaamiye lagu daray liiska cunaqabateynta Shaqsiyaadka ee hoos yimaada Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2713.

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in kuwa la cunaqabateeyay loo diidi doono in ay helaan lacag, isla markaana lagu soo rogi doonoย  xayiraad dhanka socdaalka ah.

Ergada Joogtada ah ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii la soo dhaafay sheegtay in goโ€™aankan uu yimid kadib codsiyo uga yimid Soomaaliya. โ€œAl-Shabaab waa Argagixiso rabshado badan wata, oo masโ€™uul ka ah dhimashada Dadka rayidka ah, howl-wadeennada, Shaqaalaha gargaarka iyo Suxufiyiinta, waana in lala xisaabtamo,โ€ ayaa lagu yiri bayaankaasi ka soo baxay Golaha ammaanb ka ee Qaramada Midoobay.

Seddexda Nin ee lagu daray liiska cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kala ah:-

1-Abdukadir Mohamed Abdukadirย  oo ahaa Hogamiyaha sare oo Al-Shabaab ah.

2- Mohamedย  Mire oo khawaarijta u qaabilsanaa ururinta Zakada;

3- Mohamedย  Cumar Mohamedย  oo haa waaliga kooxda Al-Shabaab ee Diinsoor

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii labaad loo doortay talada dalka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqayย  in dagaal adag lala galo kooxaha khawaarijta, isla markaana laga ciribtiro gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo loo marayo waddo kasta ee lagula dagaalami karo.

Shaqsiyaad badan ayaa hore loo saaray xayiraad dhaqdhaqaaqa xisaaboodka iyo kuwo lacag Malaayiin doolar ah la saaray Madaxooda, taasi oo wax weyn ka tartay dhaqdhaqaaqooda dhinacyada Maaliyadeed iyo mid Shaqsiyadeedba intaba.

Dadka taxliiliya arrimah ammaanka ayaa qabay in โ€œGolaha Amaanka oo loo gudbiyay warbixin la xiriirta Horjoogayaasha Saameynta ku leh howlgalada kooxda Argagixisada Shababka ay tahay talaabo barbar socota Nidaamka Istraateejiyada dagaalka lagu jiro kooxda Kjawaarijta ah ee Alshabaab, iyadoo la sheegayo in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay diyaarisay qorshe Ciidaan ahaan awoodooda loo wiiqo iyo Fekir ahaan iyo waliba dhaqaale ahaanโ€.

Warbixino Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in Horjoogayaasha Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrama) oo horey loo sheegay in duqeyn lagu dilay iyo Horjooge Maxamed Maxamuud Mire oo lagu wada eedeeyay Maalgelinta, Qorsheynta Howlgelinta, diyaarinta ama fulinta falal lidi ku ah Amaanka iyo xasilinta Dalka, iyagoo kaashanaaya Horgalada iyo Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijhta ah ee Shababka, waxaana la sheegaya in qaarkood ay heystaan Baasaboorro dalalka aannu deriska nahay.

Soomaaliya ayaa muddo la soo dagaalameysay Argatileyada Xag-jirnimada ee rabshadaha wata, iyadoo la odorasaayo in marka la gaaro bilowga Sanadka soo socda ay kooxaha Argagixisadu lumin doonaan degaano badan, โ€œwaase hadii ay Dowladu la timaado qorshe cad oo aan ku dhisneyn fudeyd iyo laab kac, iyadoo maanka lagu hayo casharadii laga bartay Howlgalka Wejigiisa 1-aad.

Dhinaca kale Warbixin Sirdoon ayaa xaqiijineysa in Kooxda Argagixisada ee Islamic State โ€œISISโ€ ay muddo 12-sano ah shaqaaleysiinaayeen Dhallinyarada Shaqo laโ€™aanta ku heysa Degaannada ku teedsan Xeebaha iyo Qeybaha kale, tallabadaan oo sare u qaaday inay kooxdani ay unugyo ku yeelato Dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Dacwad Oogaha Kenya uu Garsoorka Dalkaasi horgeeyay Eedeysane oo lagu magacaabo Mohamed Abdi Ali, alias Abu Fidaa ama Abu Shuhadaa, kaasoo Kooxda Islamic State (ISIS) u qaabilsanaa Qorista Dhallinyarada Kenyan ah gudaha Dalkaasi iyo Xabsiyada, waxaana la qabtay sanadkii 2016-kii, ilaa haatana xukun suge ku ahaa Xabsiga, ayaa lagu xukumay 12-sano oo xariga ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa Horjoogahaan Maxkamada weydistay in lagu xukumo 90-sano oo xariga ah kadib Eedaha culus ee lagu Oogay Dambiilahaan, Dalalka Kenya & Soomaaliya ayaa muddo sanado ah waxay dagaalo kula jiraan kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab, kuwaasoo degaano badan oo dalalkaasi ay maamulaan, isla markaasna Baad ka qaadaan Ganacsatada iyo Shirkadaha, si ay ugu maalgashtaan Howlahooda Argagixisada.

Wararka ugu dambeeyay ee laga helayo kooxaha Argagixisada ah ayaa sheegaya in in ka badan 20 Khawaarij ah oo ay ku jiraan seddex horjooge ayaa lagu laayay tiro intaasi ka badanna waa lagu dhaawacay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo ka dhacay buuraha Caalmadow ee deegaannada Puntland. Howlgalka ayaa lagu bar-tilmaameedsaday Xero ay Maleeshiyaadka Khawaarijta ah isku aruursanayeen, taasi oo ku taalla buuraha Caalmadow, waxaana halkaasi lagu jabiyay dhagartii ay u maleegayeen Shacabka ku nool deegaannada Puntland.

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed soo saartay ayaa ku sheegtay in Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ay muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada cadowga Khawaarijta ah ay ka wadeen deegaannada buuraleyda ah ee Puntland.

Masuul ka tirsan dowladda ayaa yiri โ€œDowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxay ku guulaysteen inay ka hortagaan dhagarro badan oo cadowgu diyaarinayeen, waxaana dowladda ka goโ€™an dhamaystirka Argagixisada, si dadkeenu ugu noolaadaan nabad iyo barwaaqo iyo Deegaan ka caagan Argagixsinimoโ€.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Hindiya oo Xoojinaya Xiriirka Laba-Geesoodka ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali,…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka xanaanada xoolaha dowladda FS oo shir caalami ah uga qaybagalay Talyaaniga

Rome (SONNA): Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirt aiyo Daaqa dowladda FS Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka qeybgalay…

GudahaWararka
July 22, 2024

Daraawiishta Puntland oo hub kala wareegtay maleeshiyaadka Daacish

Boosaaso (SONNA): Ciidanka Daraawiishta Puntland ee kujira howlgalka Togga Baaladeโ€™e ee Buuraladeyda Calmiskaat ee GobalkaBari, gaar ahaana aaga Kalshalayaal ayaa…

GudahaWararka
August 27, 2025

Ciidanka ammaanka oo fashiliyey naftii halige isku soo xiray Qarax

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka ammaanka ayaa fashiliyey Naftii halige isku soo xiray Qarax kaas oo doonayay inuu isku Qarxiyo goob maqaaxi ah oo…

GudahaWararka
November 3, 2023

Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada hadlay xoojiyo xiriirka labada dowladood

Belgrade-(SONNA)โ€“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan kula yeeshay magaalada…

GudahaWararka
September 2, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023