Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha
GudahaWararka

Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha

By Abdulkadir
Last updated: May 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Danbi-baarayaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayuu usoo dhamaadey tababar socday muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa baaritaanka faraha iyo aruurinta cadeymaha.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana ujeedadiisu ahayd in saraakiisha la siiyo xirfado iyo aqoon ay ku baari karaan kiisaska dambiyada culus ee ay gacanta ku hayaan.

Kooxda dambi baadhayaasha ayaa qaatay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururinta faraha ee goobaha dembiyada, falanqaynta iyo is waafajinta faraha iyo kaydka xogta oo muhiim u ah aqoonsiga iyo soo qabashada dembiilayaasha.

“Tababarkan waa mid muhiim u ah saraakiisheena sababtoo ah waxa ay ka caawineysaa in ay si fudud u baaraan dambiyada lagaley ama la gali rabo isla markaana soo qabtaan la tuhmayaasha. Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha inay aad ah ugu fiirsadaan, oo ay diiradda saaraan ugu dambayna ay adeegsadaan xirfadihii ay barteen si ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu yiri Xidigle Axmed Cabdulle Madoobe, taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska garoonka Jowhar.

Xidigle Madoobe ayaa uga mahadceliyey ATMIS qabashadeeda tababarka, isagoo xusay in “ay u sahli doonto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si hufan oo xirfad leh u baaraan dambiyada”.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar, ASP Earnest Agbo, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka tababarka ee kor u qaadista xirfadaha baarista ee saraakiisha si ay u maareeyaan kiisaska dembiyada adag ee loo adeegsado hababka cilmiga casriga ah.

“Aqoonta gaarka ah ee la helay waxay wax badan ka tari doontaa caawinta booliska si ay u aqoonsadaan tuhmanayaasha una xalliyaan dembiyada adag, taasoo taageereysa raadinta Soomaaliya nabadda oo xasilloon. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan siinnay saaxiibadeena Soomaaliyeed xirfadaha muhiimka u ah baaritaannada iyo mas’uuliyadda sharci fulinta,” ayuu ASP Agbo ka sheegay xafladda xiritaanka tababarka.

C/llaahi Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha tababarka ayaa uga mahadceliyay ATMIS qaban qaabada tababarka, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu kobcinayo tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u sameeyaan baaritaanno xirfadeysan.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka qayb galo tababarkan ku saabsan baaritaanka faraha, waxaana ka helay xirfado qiimo leh. Sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa ATMIS oo kaashaneysa Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo soo qaban qaabiyey hidisahan qiimaha badan leh” ayuu yiri Cabdullaahi.

ATMIS ayaa tababaro la mid ah kan oo kor loogu qaadayo tayada Booliska Soomaaliyeed u qabatay Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada kale ee Federaalka sida Baydhabo (Koonfur Galbeed), Kismaayo (Dowlad Goboleedka Jubbaland) iyo Caasimadda Muqdisho. si loo horumariyo tayada booliska Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha CXD oo faahfaahin ka bixiyay howlgallo culus oo ka socda gobollada dalka

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal ; Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo gobollada dalka ka bilowday.…

GudahaWararka
March 19, 2024

Madaxii hore ee sirdoonka Kazakhstan oo xabsi la taxaabay

Muqdisho..(SONNA)...Madaxii hore ee hay’adda sirdoonka gudaha ee Kazakhstan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay qiyaano qaran, sida ay…

CaalamkaWararka
January 8, 2022

𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐮𝐮 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐮𝐠𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐚𝐲

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼,( SONNA):- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay wahliyaan qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada…

GudahaWararka
April 13, 2025

Guddoomiyeyaasha labada Aqal oo kulan la qaatay guddoonka Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane…

GudahaWararka
November 12, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023