Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha
GudahaWararka

Booliska Hirshabeelle oo la siiyay tababar ku saabsan baarista faraha

By Abdulkadir
Last updated: May 26, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Danbi-baarayaasha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayuu usoo dhamaadey tababar socday muddo shan maalmood ah oo ku saabsanaa baaritaanka faraha iyo aruurinta cadeymaha.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabiyeen ciidamada booliska Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa lagu qabtay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, waxaana ujeedadiisu ahayd in saraakiisha la siiyo xirfado iyo aqoon ay ku baari karaan kiisaska dambiyada culus ee ay gacanta ku hayaan.

Kooxda dambi baadhayaasha ayaa qaatay mawduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ururinta faraha ee goobaha dembiyada, falanqaynta iyo is waafajinta faraha iyo kaydka xogta oo muhiim u ah aqoonsiga iyo soo qabashada dembiilayaasha.

“Tababarkan waa mid muhiim u ah saraakiisheena sababtoo ah waxa ay ka caawineysaa in ay si fudud u baaraan dambiyada lagaley ama la gali rabo isla markaana soo qabtaan la tuhmayaasha. Sidaa darteed waxaan ku boorinayaa ka qaybgalayaasha inay aad ah ugu fiirsadaan, oo ay diiradda saaraan ugu dambayna ay adeegsadaan xirfadihii ay barteen si ay waajibaadkooda u gutaan,” ayuu yiri Xidigle Axmed Cabdulle Madoobe, taliye ku-xigeenka saldhigga booliiska garoonka Jowhar.

Xidigle Madoobe ayaa uga mahadceliyey ATMIS qabashadeeda tababarka, isagoo xusay in “ay u sahli doonto Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay si hufan oo xirfad leh u baaraan dambiyada”.

Taliyaha Booliska ATMIS ee Jowhar, ASP Earnest Agbo, ayaa hoosta ka xarriiqay doorka tababarka ee kor u qaadista xirfadaha baarista ee saraakiisha si ay u maareeyaan kiisaska dembiyada adag ee loo adeegsado hababka cilmiga casriga ah.

“Aqoonta gaarka ah ee la helay waxay wax badan ka tari doontaa caawinta booliska si ay u aqoonsadaan tuhmanayaasha una xalliyaan dembiyada adag, taasoo taageereysa raadinta Soomaaliya nabadda oo xasilloon. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan siinnay saaxiibadeena Soomaaliyeed xirfadaha muhiimka u ah baaritaannada iyo mas’uuliyadda sharci fulinta,” ayuu ASP Agbo ka sheegay xafladda xiritaanka tababarka.

C/llaahi Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa ka qeyb galayaasha tababarka ayaa uga mahadceliyay ATMIS qaban qaabada tababarka, wuxuuna ku baaqay in la kordhiyo dadaallada lagu kobcinayo tayada ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay u sameeyaan baaritaanno xirfadeysan.

“Waan ku faraxsanahay inaan ka qayb galo tababarkan ku saabsan baaritaanka faraha, waxaana ka helay xirfado qiimo leh. Sidoo kale Waxaan u mahadcelinayaa ATMIS oo kaashaneysa Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo soo qaban qaabiyey hidisahan qiimaha badan leh” ayuu yiri Cabdullaahi.

ATMIS ayaa tababaro la mid ah kan oo kor loogu qaadayo tayada Booliska Soomaaliyeed u qabatay Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada kale ee Federaalka sida Baydhabo (Koonfur Galbeed), Kismaayo (Dowlad Goboleedka Jubbaland) iyo Caasimadda Muqdisho. si loo horumariyo tayada booliska Soomaaliyeed.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka socda Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Masar

Muqdisho, (SONNA) - Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay…

GudahaWararka
July 12, 2024

Xuska Maalinta Ciidanka Cirka oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) Munaasabadan lagu weyneynayay 60 sano guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka cirka ee xooga dalka oo ay…

Wararka
February 15, 2020

La Dagaalka Khawaarijta waxaa barbar socda xasilinta Deegaannada la xoreeyay (WARBIXIN)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u sheegay markii uu ku guuleystay markii…

GudahaMaqaallada
June 17, 2023

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Madaxda Hey’adda IHH ee dalka Turkiga

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin ayaa magaalooyinka Istanbul & Bursa ee dalka Turkiga kula kulmay madaxda hey’adda IHH,…

GudahaWararka
January 2, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023