Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: UNICEF: Ku dhowaad 10 Milyan oo Carruur Ethiopian ah ayaa waxbarasha la’aan soo wajahday
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > UNICEF: Ku dhowaad 10 Milyan oo Carruur Ethiopian ah ayaa waxbarasha la’aan soo wajahday
CaalamkaWararka

UNICEF: Ku dhowaad 10 Milyan oo Carruur Ethiopian ah ayaa waxbarasha la’aan soo wajahday

By shiine Shiine
Last updated: May 23, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Colaadaha iyo dagaalka aan kala joogsiga lahayn ee uu maamulka Abiy Axmed geliyay goboladaha kala duwan ee dalka Itoobiya ayaa sababy in carruurta dalkaas ay waayaan xuquuqdii ay u lahaayeen in ay helaan waxbarasho toos ah.

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda UNICEF ayaa lagu sheegay in 10 milyan oo carruur ah ay u baahanyihiin in laga taageero sidii ay u heli lahaayeen waxbarasho iyada oo ay jiraan ku dhawaad 8.85 milyan oo carruur ah kuwaas oo aan gabi ahaanba haysanin nidaam waxbarasho ee Aas-aasig ah.

Warbixintaan oo lasoo saaray 20-kii Bishan May ayaa muujineysa in tirada carruurta ee waxbarasha la’aanta ah ay sii kordhayso marka la barbardhigo sannadkii hore ee 2023.

Hore waxaa loo qorsheeyay in hay’adaha samafalku ka qayb qaataan in saddex milyan oo carruur helaan waxbarasho laakin duruufaha iyo ammaan xumada ka jirta Itoobiya ayaa saamixi wayday in la hirgeliyo qorshahaas.

Kaliya 356,000 oo carruur ah ayaa helay taageerada waxbarashada degdegga ah laga soo bilaabo bishii Maarso,marka laga soo tago colaadaha iyo barakaca joogta ah ee ka jira Itoobiya,waxaa hadana ugu sii darsamay isbuucyadii lasoo dhaafay daadadka xoogan ee ku dhuftay dalkaas kuwaas oo saameyn ku yeeshay goobaha waxbarashada.

Xogtu waxay muujinaysaa in burbur baahsan soo gaaray goobaha waxbarashada saddexdii bilood ee lasoo dhaafay taas oo keentay in ay sii kordhaan ardayda aan nasiib u helin in ay ku laabtaan waxbarashadooda.

Tusaala ahaan marka la eego gobolka Canfarta, waxaa ka jira dhibaato ba’an oo isagu jirta waxbarasho la’aan, caafimaad darro, iyo nabad gelyo xumo,warbixinta UNICEF waxay sheegtay in 21 hay’adood ay bixiyeen gargaar waxbarasho oo degdeg ah, inkasta oo gargaarkaas aan loo maareynin sidii loogu tala galay.

Dhowr jeer waxaa ka dhacay Itoobiya in la dhaco gargaarka loogu tala galay dadka dhibaateysan iyada oo ay ciidamada amnigu ku fashilmeen in ay soo celiyaan kala dambeynta iyo in si nabad ah loo qaybiyo kaalmada ay dunidu bixisay.

Mustaqbalka waxbarashada carruurta Itoobiya ayaa laga dayrinayaa,halka maamulka Abiy Axmed uu wali usii oomanyahay dagaal iyo colaado lagu sii dhibaateeyo qowmiyadaha kala duwaan ee dalkaas sidoo kalena halis ku ah xasiloonida gobolka iyo wadamda deriska la ah.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen.…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay qeybaha bulshada Koofur Galbeed iyo Guddiga Farsamada Shirka dib u heshiisiinta

Muqdisho (SONNA) Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa kulamo kala duwan la qaatay guddi ay iska…

GudahaWararka
January 21, 2023

Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay degaanka Jannaay Cabdalla

Kismaayo-(SONNA)-Ciidanka Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaay Cabdalle ayaa soo af-jaray koox Khawaarij ah oo…

GudahaWararka
September 15, 2024

Itoobiya oo beesha caalamka uga digtay faro-gelin lagu sameeyo

Addis Ababa(SONNA)–Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay ka fogaadan faro galin kasta oo aan sharciga…

CaalamkaWararka
November 25, 2020

Taliyaha Xoogga oo sheegay in khawaarijta billaabeen dhameystirka kuwa ka dhaawacmo

Muqdisho (SONNA):-Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Janeraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlayay ciidamada qeyb ka noqon doona dagaalka Khawaarijta ayaa…

GudahaWararka
September 11, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023