Baydhabo-(SONNA)-Ibraahim Cali Maxamed oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa maanta isku soo dhiibay Taliska Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka.
Ninkaan ayaa tababarro kala duwan kusoo qaatay gobollada Bay iyo Jubbada dhexe, isagoo sheegay in argagixisada uu uga biiray deegaanka Ufurow ee gobolka Bay.
Ibraahim ayaa sheegay in dhibaatada duurka ku heysata Khawaarijta uu u dul-qaadan waayay, sidoo kale wuxuu sheegay in culeys badan ay kala kulmeen howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.
Ibraahim Cali Maxamed ayaa dhalinyarada kale ee la qalday ugu baaqay in ay dadkooda iyo dowladooda isku soo dhiibaan.