Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ibraahim Aadan Maaddeey oo magaciisa Afgarashada dhinaca aragagixisaduna uu yahay “Cabdiraxmaan”.
Dhagarqabe Cabdiraxmaan ayaa 2-dii Janaayo ee Sanadkan ku dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Allaha u naxariisteen Khadiijo Siyaad Maxamed, xilli ay ku sugneyd bannaanka hore ee gurigeeda.
Ibraahim Aadan Maaddeey ayaa Khawaarijta kaga biiray degmada Jillib ee gobolka Jubbada dhexe, wuxuuna halkaasi ku qaatay tababar gaaban oo dhinaca dillalka qorsheysan ah, kadib ayaa waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, isagoo ka mid noqday kooxda dilalka gaadmada ah fulisa.
Ciidamada ammaanka ayaa dilka Khadiijo Siyaad Maxamed ka dib gacanta kusoo dhigay dhagarqabe Cabdiraxmaan xilli uu isku dayay inuu baxsado.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyay dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukumay Ibraahim Aadan Maaddeey dil toogasho oo ah, taas oo ah qisaasta Khadiijo Siyaad Maxamed.
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.