Riyadh-(SONNA)-Dowlada Sacuudi Carabiya ayaa ka hortageysa dadka aan soo marin nidaamka saxda ah ee loogu talo galay in ay maraan dadka xajinaya.
Waxaa soo baxay awaamiir is daba joog ah oo dowladdu ay ku socod siineyso nidaamka Xajka ee sanadkan oo wax badan ka beddelan sanadihii hore.
Dadka hareer mara nidaamka Xaajiga loo dejiyay iyo kuwa raba in ay si sharci darro ah ku xajiyaan ayay dowladda Sacuudiga sheegtay tallaabooyin isugu jira xarig, ganaax iyo tarxiil.
Sidaasi si la mid ah Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay go’aannadaasi iyo habraaca dowladda Sacuudiga ay jideysay, sI looga hor tago dhibaato soo gaarto muwaaddinka Soomaaliyeed.