Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta Dhuusamareeb ka furay shirka sanadlaha ah ee Wadatashiga Horumarka Amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasaaradadaha Amniga iyo talisyada Booliiska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.
Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin, Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2), Sharciga Booliiska Soomaaliya, Qorshaha Istiraatijyada Amniga Gudaha, iyo bixitaanka ATMIS.
Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd nabad iyo xasillooni waarta, isla markaana loo xaqiijin lahaa qorshayaasha muhiimka u ah gaarista nabad waarta.
โIskaashiga iyo wadajirka Wasaaradaha Amniga iyo talisyada Booliiska ee labada heer, waa muhiim, si loo gaaro hadafyada amniga ee Qaranka, waxaan rajeynayaa natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya amniga iyo nabadda Soomaaliya in shirka ay ka soo baxaanโ. Ayuu yiri Wasiirka Amniga oo furitaanka shirka ka hadlayey.
Shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada iyo saraakiil ka tirsan Booliiska.
Qodobada lagu falanqeyn doono shirka, isla markaana laga soo saari doono goโaamada ku habboon, shirkan oo soconaya 19 – 20 May 2024, ayaa waxaa ka mid ah:
- Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2).
- Sharciga Boliiska Soomaaliya.
- Qorshaha Istiraatijyada Amniga gudaha.
- Mashruuca BASIS.
- Nooca cusub ee Boliiska (New Policing Model).
- Hirgelinta qoondada qeybinta 40,000 Boliiska labada heer.
- Qorshaha xasilinta goobaha la xoreeyay.
- Bixitaanka ATMIS kadib (Post ATMIS).
- Qorshaha hawlgalka cusub ee ATMIS kadib.